FIFA oo isku qirtay xamxamtii ku saabsanayd inay Messi u xaglinaysey (Arag qoraalka kasoo baxay)

0

(Nyon) 20 Dis 2022 – Laacibka Leo Messi ayaa intii uu socdey KA Qadar 2022 waxaa loo dhigay shan rigoore, isagoo dhaliyey afar ka mid ah, marka laga reebo mid uu ka badbaadiyey qabtaha Poland ee Wojciech Szczesny.

Shantaa rigoore ee uu ka dhaliyey KA Qadar 2022 waxay Messi ka dhigtay ciyaartooyga ugu badan ee hal dufcan oo Koobka Adduunka ah ka dhaliya ama loo dhigo, abidkeedna horay ugama dhicin hal koob adduun.

Taas ayaa waxay keentay gunuunuc badan oo ku aaddanaa in FIFA ay si wax ula waddo Messi, taasoo ka imanaysey dad Messi kasoo horjeeda iyo dad dhexdhexaad ah intaba, gaar ahaan marka la eego duruufaha ku hareeraysnaa rigoorayaasha dhigay oo ay qaarkood khiyaali ekaayeen.

Haatan FIFA ayaa dood kale isku furtay kaddib markii ay Twitter soo dhigtay farriin gaaban oo ay ku sheegayso in ”dooddii GOAT-ka gebi ahaanba lasoo afjaray oo haatan uu dhamaytirmay dhaxalkii Laacibka ugu Wanaagsan Dunida” maadaama uu qaaday KA, sida uu warkoodu u dhacayo.

Dad badan ayaa arrintan ku micneeyey mid aan ku haboonayn FIFA oo marka laga soo tago inuu warkani si cad u muujinayo inay Messi u codeeyeen ay taasi misna cadaalad darro ku noqonayso laacibiinta kale ee ay ahayd inuu xiriirkani u dhex ahaado, cidda noqonaysa laacibka ugu wanaagsanna ay codayn guud ku timaado ee aanay FIFA far muuqin cid gaar ah.

Hadalsame Media