Ciyaartooyda Xulka Argentina oo mar qura diyaarado lagula cararay & Khilaaf soo baxay (Daawo)

0

(Buenos Aires) 20 Dis 2022 – Banaanbaxii loogu dabbaaldegayey guusha Xulka Qaranka Argentina ee Koobka Adduunka ayaa si lama filaan ah loo joojiyey xilli ay malaayiin qofi kusoo qulqulayeen waddooyinka laamiyada ah ee caasimadda dalkaasi ee Buenos Aires.

Taageerayaal aad u fara badan oo lulaya calanka dalkaasi ayaa iskugu soo baxay caasimadda Buenos Aires, balse laacibiinta oo markii hore bas dusha ka furan saarnaa ayaa diyaarado kuwa qumaatiga u kaca ah oo ay booliisku leeyihiin lagula cararay.

 

Gabriela Cerruti, oo ah Afhayeenka Madaxwaynaha Alberto Fernandez, ayaa ku qortay baraha bulshada “inaysan suurtagal ahayn in dabbaaldegga si saaxi ah dhulka loogu wado, iyadoo la arkayey dad isku soo tuuraya baskii furnaa ee sidey xulka dalkaasi.

Diyaaradaha ayaa kaddib markii ay dhowr goobood oo muhim ah oo ka tirsan Buenos Aires oo ay taageerayaashu isugu soo baxeen dul haadeen, waxay ku laabteeb xarunta Xiriirka Kubadda Cagta Argentina oo ku taal meel ka yara baxsan caasimadda.

Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta ee Claudio Tapia ayaa ku eedeeyey sharci fulinta ama booliiska isbedelka qorshihii dabbaaldegga isagoo ku doodaya in lasii wedi karayey.

 

 

Hadalsame Media