Cir-bixiyeen ma ahane waa nin howl muhim ah ka haya magaalada Beledwayne (Fursad qof kasta u furan)

0

(Beledwayne) 20 Diseembar 2022 – Waa 6:00 a.m., Maxamed Dhicis wuxuu u toosay shaqo. Isagoo xiran suud adag oo suuf ama cudbi ah misna cad, kaasoo jirkiisa oo dhan wada daboolaya, ayaa waxa uu soo gelayaa meel ay ku nool yihiin tobannaan kun oo shinni ah.

Marka uu gaaro guriga shinniada, wuu jilba joogsadaa oo halkaa ayuu galaa, isaga oo ka fikiraya howsha dhibka badan ee hortiisa taal. Dhowr daqiiqo kaddib, isagoo isticmaalaya qalab bir ah, 19-sano jirkani wuxuu furaa qaybta sare ee sanduuqa koowaad. Waxa uu si jilicsan usoo saarayaa shabaq malabku qooyey ee gudaha ku jirey, isaga oo aad mooddo in uu furayo sanduuq shukulaato ah. Islamarkiiba, jawiga waxaa ka buuxsamaya dhawaq guux ah, kumannaan shinni ah ayaa ka duulaya gudaha iyo hareeraha sanduuqa. Qaar ka mid ah, sida inay koollo ku dheggan tahay, ayay kusii jiraan shabaqa, iyagoo sii wada samaynta malabka.

Malabkani waa waxa ay ku nool yihiin Dhicis iyo afarta kale ee shinnida dhaqda ee ka hawlgasha Shirkadda Dhicis ee Dhicis Production Company, taasoo uu asaasay isaga oo taageero iyo hagid ka helaya Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Horumarinta Wershadaha (UNIDO).

Taageeradu waxay hoos imanaysaa dalladda mashruuca tiknolojiyadda beeraha ee UNIDO, kaasoo ka taageeraya ganacsatada Soomaaliyeed ee hamiga ganacsi leh si ay u horumariyaan ganacsiyada yaryar, iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs) iyo kordhinta helitaankooda maaliyadeed, iyo in taageero hay’adeed la siiyo MoCI.

Fikradda

2020, magaalada uu ku dhashay ee Beledweyne, ee ku taal gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, Mr. Dhicis wuxuu maqlay xarun dayn laga qaato oo ay UNIDO u samaysay si ay uga caawiso SMEs inay helaan maalgelin. Xarunta waxaa laga dhisay Beledwayne iyada oo loo marayo Barnaamijka Wadajirka ah ee Horumarinta Qaybaha Wax soo saarka ee UNIDO ee Soomaaliya.  Mr. Dhicis waxa uu ka shaqaynayey beer shinni oo yar, kaddib markii uu ogaadey barnaamijka oo uu ka qaybgalay tababar ku saabsan maamulka ganacsiga oo socday laba toddobaad, waxa uuna go’aansaday inuu si toos ah markiiba u howlgalo.

“Waan jeclahay malabka, waxaana aan asal ku leeyahay wax soo saarka beeraha,” ayuu yiri. “Markaa waxaan isu sheegay: maxaad u tijaabin waydey? Tababarka kaddib, waxa uu helay $5,000 oo Doollar si uu uga caawiyo ka miro dhalinta riyadiisa. Markii Mr. Dhicis howsha bilaabay 2020-kii, wuxuu lahaa 25 xabbo oo shinni ah. Maantase, wuxuu leeyahay 100 wuxuuna rajaynayaa inuu tiradan gaarsiiyo ilaa 200.

Ganacsiga shinnida ee Mr. Dhicis waxaa ka dambeeysa EDU, oo ah Unug Horumarinta Ganacsiga ah, oo UNIDO ay ka caawisay in laga dhiso Beledwayne iyada oo adeegsanaysa Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliyeed (SCCI) iyo taageero dhaqaale oo ay ka heshay Wakaaladda Horumarinta ee Talyaaniga. EDU waa mid ka mid ah shabakad ballaaran oo laga aasaasay Soomaaliya oo dhan, taasoo ku dhex jirta qaab-dhismeedka SCCI. EDU-yadu waxay bixiyaan isku xirka ganacsatada iyo ganacsiga gaarka ah ee guud ahaan Maamullada ka tirsan Federaalka dalka, waxayna ka caawiyaan ganacsatada Soomaaliyeed inay helaan maalgeliyeyaasha, xarumaha dayn bixinta, tababarrada xirfadaha iyo la-talinta ganacsiga.

Wax ka badan shinni

Mr. Dhicis kali kuma aha ka faa’iidaysiga EDU. Waxa uu magaalada Beledeayne kaga qaybgalay tababar ay UNIDO taageertay oo ay kala qaybgaleen isaga ilaa 64 qof oo kale oo hal-abuur ganacsi leh, kuwaas oo dhamaantood lahaa ganacsiyo hore u jirey ama fikrado bilow ah. 64 ka mid ah, 13-ka mashruuc ee SME waxa ay heleen dayn bangi oo wadarta guud ay dhan tahay $100,000 oo Doollar. Saddex ka mid ah waxaa hogaaminaya dumar.

Suurtagalnimada taageerada dhaqaale waa hal qodob. Sida laga soo xigtey UNIDO, qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ayaa si fudud u xiisaynaya inay fahmaan maamulka ganacsiga, inay wax badan ka bartaan sidii ay dib uga fikiri lahaayeen sidii ay ganacsigooda ugu socodsiin lahaayeen si deg deg ah, kharashka baxaya u dhimi lahaayeen, iyo habab kale.

Barnaamijka tababarka ee labada toddobaad qaatay wuxuu siinayaa ganacsatada aqoon ku filan si ay u abuuraan ganacsi cusub ama u ballaariyaan midka jira. Tababarka waxaa daba socda la-talin ganacsi oo mid mid loo siinayo ganacsatada taasoo ay bixinayaan khubaro gudaha ah oo UNIDO u tababaran.

Barnaamijka la-talinta shakhsigu waxa uu ka kooban yahay la-talin goobeed iyo hagitaan ku wajahan ganacsiyada bilowga ah  kuwa jira. Milkiilayaasha ganacsiga ee jira, tani waxay ula micne tahay xirfado maamul oo ka wanaagsan sidii hore, kontorool badan oo ku aaddan miisaaniyadooda ah iyo awood ay ku ogaadaan dhibaatooyinka ganacsiga. Kuwa bilowga ahna, waxay ula micne tahay aqrinta suuqa, abuurista fikrado ganacsi iyo ogaanshaha sida arrimahaa loola xiriiriyo maalgeliyeyaasha.

“Markaad fiiriso marxaladaha hore ee horumarka dhaqaalaha, waxaa jira alaabooyin aasaasi oo aad u baahan tahay inaad hesho si ay bulshadu u noolaato, u shaqayso oo ay wax u cunto. Waxa kale oo aad u baahan tahay kaabayaal si uu nidaamku u shaqeeyo. Intaa waxaa dheer, waxaad u baahan tahay maalgelin raasumaal si aad u bilowdo horumarkaas, kaas oo inta badan ka yimaada dowladda. UNIDO waxay abuurtay isku xirkii, nidaamkii iyo awooddii si uu maalgashigaasi u dhaco,” ayuu yiri Ygor Scarcia, oo ah khabiir ku takhasusay horumarinta wershadaha ee UNIDO kaasoo sidoo kale ah wakiilkeeda Soomaaliya.

Professor Ciise Xalane waa Xigeenka Agaasimaha Maamulka ee SCCI wuxuuna mas’uul ka yahay isku xirka EDU-yada. Sida uu sheegay, shabakadu waxay ka caawisaa ganacsatada inay helaan daymo ay dib u soo celin doonaan – waa arrin muhim ah oo Soomaaliya ka fogaynaysa dhibaatadii soo jireenka ahayd ee gargaar sugidda halkii ay dadku ka heli lahaayeen dhiirigelin ku aaddan inay lacag sameeyaan, iyada oo og ama ku tashanaya in gargaar iman doono si kasta oo ay tahayba.

Marka laga soo tago ka weecashada meertadaa gargaarka, Professor Xalane wuxuu yiri: “Lacagtaas ku soo laabanaysa bangiga waxaa markaas misna la siin doonaa ganacsade kale, taasoo horseedaysa saamayn faa’iido u leh dhaqaalaha Soomaaliya.”

Is waafajinta ganacsiga

Qayb ka mid ah adeegyada lagu bixiyo EDU-yada ayaa waxaa ka mid ah horumarinta tignolojiyadda. Dadka la tababarayo looma tixgeliyo inay yihiin ka-faa’iidaysteyaal, laakiin waxaa loo arkaa macaamiil ganacsi, si loo hubiyo inay tisqaaddo shabakadda EDU. Kuwa ka qalinjebiya tababarku waxay helayaan taageero maalgelineed,  is waafajin ganacsi iyo siinta tignolojiyadda ay u baahan yihiin.

Aamina-Gaalooge Cismaan, waa 34 jir hal-abuure ganacsi ah, waxa ay bilawday iskaashato beeralay ah oo adeegsan jirtey farsamada gacanta. Gacan ay ka heshay UNIDO darteed waxay ka caawisay isku xirka bangiyada maxalliga ah iyo shirkadaha ganacsiga ee Somali-Talyaaniga ah, maanta Aamina waxay beeralayda Soomaaliya ka iibisaa cagafyo laga keenay Talyaaniga. Waa markii ugu horraysey taariikhda dhow ee ganacsiga beeralayda ee Soomaaliya uu galangal u helo mashiinnada beeraha ee casriga ah – taasoo muhim u ah kobcinta dhaqaalaha.

“Haddii aad fikrad hayso, [UNIDO iyo MoCI] ayaa ku caawin doona,” ayay tiri Aamina. “Qiimaha dhabta ahi wuxuu yimaadaa marka ay si toos ah kuugu xiraan shirkadaha caalamiga ah sida kuwa aan hadda la macaamilayno. Haddii aad leedahay urur sida UNIDO oo kale ah oo kaa caawin kara inay xiriirkaas kuu samayso, kaas oo kaa caawin kara xarunta dayn bixinta, waxaad haysataa waddo aad hore ugu socoto. waxaadna riyadaada ka dhigi kartaa mid rumowda.”

Min kaalmo ilaa horumar

UNIDO iyo MOCI-da labaduba waxay maalgelinayaan waaxyaha soo jireenka ah ee wershadaha iyo beeraha Soomaaliya ee uu dalku ku tiirsan yahay si uu u abuuro shaqooyin un ballaariyo fursadaha dhaqaale. Hadafka guud waa inay Soomaaliya ka caawiyaan sidii ay u horumarin lahayd ganacsigeeda gaarka ah oo ay uga gudubto ku tiirsanaanta wayn ee gargaarka caalamiga ah ee ay qaadato gargaarka ku meel gaarka ah. Furaha samaynta tani maxay tahay? Waa iskaashiga.

“Aniga ahaan, gargaarku waa dhibaato. Waxaan leenahay dhulkii, waxaan leenahay raasamaalkii aadanaha, waxaana leenahay ruux hal-abuur ganacsi,” ayuu yiri Professor Xalane. “Is-kaashigu waa dariiqa kaliya ee hore loogu socon karo.”

Barnaamijka Horumarinta Waaxyaha Waxsoosaarka Soomaaliya ee UNIDO waxay uu kor u qaaddaa waxqabadyada heerarka mid wayn, mid dhexe iyo mid yarba dhaqaalaha Soomaaliya si kor loogu qaado maalgashiga kaabayaasha iyo maalgashiga raasumaalka, kicinta wax soo saarka waara, ka fogaanshaha khasaaraha gurashada dalagga kaddib, horumarinta galaangalka suuqyada ee kobac dhaqaale oo loo dhan yahay iyo fursado shaqo oo la wada helo dhammaan.

“Yoolku waa in la xoojiyo adkaysiga dhaqaalaha Soomaaliya iyadoo la dhimayo u nuglaanshaha dalka ee waxyaabaha soo booddada ah,” ayuu yiri Mr. Scarcia. “Tanna waxaan ku sameynaynaa dhiirigelinta kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta raasumaalka dadeed ee Soomaaliya.”

Kumanaan shinni ah oo ku wareegaysa agagaarka Mr. Dhicis isagoo jooga beerta shinnida shirkadiisu natiijada hadafkaasi.

Wuu dhoolla-caddeeyaa markuu arko shabaqyada shinnida, isagoo toostoosinaya toban weel oo malab ah oo uu si taxadar leh u dhigayo, mid midna ugu ridayo kartoon wayn, kuwaas oo uu u sijilayo si loogu diyaariyo gaadiidka magaalada Beledwayne iyo suuqa subaxeed ee xiga.

Hadalsame Media