”Xulkayga Afrika waa ciyaareen” – MW ugu horreeyey oo Afrikaan ah oo Xulka Faransiiska ka jeexjeexay

0

(Dooxa) 18 Dis 2022 – Xulka Argentina ee Latin America, ayaa xalay ku guulaystey Koobkii Adduunka markii ay Argentina rigoorayaal kaga badisay France.

Waxay labadan xul iskugu soo hareen Koobka Adduunka oo sanadkan lahaa ugu yaraan laba arrimood oo naadir ahaa oo ay midi ahayd in la qabtay xilliga jiilaalka si ka duwan xagaagii looga bartay iyo tan labaad oo ah in markii ugu horreeysey abid lagu qabtay dal Muslim ah.

Ciyaarta waxaa la isku mari waayey 3-3, balse waxaa rigoorayaal 4-2 ku ribxay Xulka Argentina oo Faransiiska u qoonsaday inuu barbarreeyo rikoodh ay haystaan laba dal oo qura oo ah inay difaacdeen Koobka Adduunka waana Talyaaniga oo ahaa dalkii koowaad ee sameeyey iyo Brazil.

Yeelkeede, Xulka Faransiiska oo lagu naanayso Xulka ”Qurbajoogta Afrika” ayaa waxaa dadka ku kaftamaya kusoo biiray MW Afrikaan ah waana midka Kenya ee William Ruto.

”Hambalyo Argentina oo ku guulaysatey Koobka Adduunka. Kooxdayda Afrikaanka ah ee ka qaybgashay Koobka Adduunka waxay ciyaartay ciyaar heersare ah. Waan bixin doonaa sharadkayga!!! Guud ahaan waa ciyaar cajiib ah. Waa inoo guriga.” ayuu yiri MW Ruto, isagoo soo qaatay sawirka ciyaartooyda iyo dalalka ay asal ahaan kasoo jeedaan.

Caadiyan ciyaartooyda Xulka Faransiiska ee safka hore ayaa ku dhowaad boqolkiiba boqol ka kooban ciyaartooy asal ahaan ajnabi ah oo la siiyey dhalashada Faransiiska.

Hadalsame Media