Sababta uu Benzema u diidey casuumaadda MW Macron markii horena u tegey oo hadda la ”KASHIFAY” + Shaxda & safafka suurtagalka ah

0

(Dooxa) 08 Dis 2022 – Laacibka Karim Benzema ayaa lagu soo warramayaa in uu diidey fursad uu kaga qaybgalo final-ka Koobka Aduunka ee France ee caawa ka dhacaya caasimadda Dooxa, Qadar maadaama ay colaad qaraari haatan kala dhaxeeyso Didier Deschamps taasoo ka dhalatay dhaawaciisa.

Ku guulaystahan Ballon d’Or ayaa dhaawac ku seegay tartanka, balse sida laga soo xigtay RMC Sport, Benzema ayaa diidey dalab uga yimid Madaxwaynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, kaasoo ahaa inuu kula soo biiro diyaaradiisa madaxtooyada si uu Qadar uga qaybgalo ciyaarta dhammaadka.

Benzema ayaa lagu soo warramayaa inuu iska diidey dalabkaasi, waayo markii horeba wuxuu u baahnaa kaliya seddex maalmood oo daawayn ah oo ay markii dambe ku helay xarunta tababarka Real Madrid si uu ugu soo laabto xulka, balse waxay taa isku af garan waayeen qaybta caafimaadka ee xulka oo taa biddaalkeeda ku wargeliyey in la dirayo, iyadoo aan xitaa qof kale lagu bedelin.

L’Equipe ayaa sidoo kale Axaddan kashiftay sirta ka dambaysa in Benzema uusan xitaa dib wax xiriir ah ula soo samayn xerada Faransiiska tan iyo markii uu ka tegey Qadar, kaddib markii xiriirkii uu la lahaa Deschamps, oo markii horeba ka fogaa mid muwaafaqo badan, uu hadda gebi ahaanba ‘jarmay’.

Hoos ka eeg shaxda ay caawa kusoo geli karaan labada xul: 

Hadalsame Media