Kaddib guushii Itoobiya Somalia oo xulaysa laacibiin ku metelaysa koob kale oo caalami ah (Dhegeyso)

0

(Muqdisho) 18 Dis 2022 – Nuur Maxamed Amiin, Macallinka xulka kubbada cagta ee 17-jirrada Soomaaliya ayaa garoomada magaalada Muqdisho ka wada xulashada dhalinyaro cusub oo lagu biiriyo xulka Soomaaliya, kuwaasi oo lagu wado inay ka qeybgalaan tartanka caalamiga ah ee 17-jirrada oo lagu qaban doono dalka Algeria.

Xulka 17-jirrada Soomaaliya oo dhowaan ku guulaystey Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa sidaa darteed waxay iyaga iyo xulkii ay ka adkaadeen ee South Sudan waxay Bariga Afrika ku metelayaan tartanka Algeria bisha Maarso.

VOA Somali ayaa warbixin ka sameeysay halka ay arrintani marayso.

Hadalsame Media