Daroonnada Turkiga ee Bayraktar TB2 oo markale lagu arkay hawada Somalia + Sawirro

0

(Muqdisho) 18 Dis 2022 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Oktoobar shaacisay doorka ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2, oo uu soo saaro Turkigu, ay ka qaataan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo ka hadlay dood ka dhacday Muqdisho ayaa xilligaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu ay bixinayaan sahan dhanka cirka ah iyo mid millateri.

“Waxaan runtii aad ugu mahadcelinaynaa Maraykanka oo weerarro cirka ah sameeyey, balse Turkiguna hawada ka taageerayaan dagaalka iyagoo bixinaya taageero sirdoon iyo sahan ah.” ayuu yiri Fiqi.

Haatan, sida uu sheegayo weriyaha Turkiga ah ee aadka ula socda wacaallada Geeska Afrika, Umut Çağrı Sarı, waxaa markale hawada Somalia lagu arkay diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar TB2.

Ma uusan bixin tafaasiil intaa ka badan oo ku qotonta waxay ay qabanayeen iyo cidda ku howlgelaysa toona.

Hadalsame Media