Xulka Argentina oo Axadda ku tashanaya hal arrin oo ay uga fiican yihiin Faransiiska + Sawirro

0

(Dooxo) 16 Dis 2022 – Waxaa Axadda kulanka ugu muhiimsan Koobka Adduunka isku arki doona dalalka Argentina vs France oo dhammaadka wada taagan, balse xulka Latin America ayaa ku naalloonaya hal arrin oo ay warbaahintu sheegayso inay micne samayn karto, waloow aysan Marooko u shaqaynin.

Argentina ayaa haysata taageerayaal aad u fara badan, kuwaasoo saldhig ka dhigtay halka lagu magacaabo Al Janoub, iyagoo gaaraya ilaa 40,000 oo taageere Argentini ah oo xira funaanadda buluug cireedka iyo caddaanka ka kooban.

Tan iyo BILWOGII tartanka waxay noqotay caado habeen: in 35-sano jirka muusikiistaha ah ee Mati Teclas, oo organ-kiisa u garaaco kumanaan taageerayaal ah, oo ku heesaya erayada heesta caanka ka ah dalkooda ee Muchachos, ahora nos volvimos a ilusionar (Xarfaanay, hadda waxaan mar kale qabnaa rajo aad u sarreeysa) iyagoo halkaa ku xafladeeya habeenkii oo dhan iyagoo muusig ku qarqinaya jawiga, Al Junuub, Dooxa.

Al Janoub waa goobta ugu wayn ee ay joogaan taageerayaasha Argentina ee u yimid Koobka Adduunka, waana dalka ugu badan marka la eego dalalka ka yimid dalalka kasoo safray dibedda.

Taageerayaashan malyaayga ah ayaa mar kasta oo uu dalkoodu dheelayo kusoo urura garoonka, dabcanna waa ka taageerayal badan yihiin Faransiiska, haddiiba ay intaasi ku fillaan karto waqtiga ayaa sheegaya.

Hadalsame Media