WACAAL WALAAC LEH: Cudurka dhex xulaya Xulka France oo ku dhaca laba laacib oo laf-dhabar u ah daafaca dalkaasi

0

(Dooxa) 16 Dis 2022 – Faransiiska ayaa wajahaya xaalad cabsi leh xilli uu waqti yari ka haray dhammaadka Koobka Adduunka, waxaana cudur ku dhex faafayey xerada Faransiisku uu haatan soo salaamey daafacyada dhexe ee Xulka Les Blues.

Daafacyada Faransiiska ee Raphael Varane iyo Ibrahima Konate ayaa noqday ciyaartoydii ugu dambaysey ee uu helo ‘fayras hargab oo kale ah” kaasoo loo bixiyey ”bugtadii geela.”

Varane, oo ka tirsan Manchester United, iyo daafaca Liverpool ee Konate ayaa labaduba ciyaaray kulankii ay kooxda Didier Deschamps ku garaacday Morocco habeenkii Arbacadii si ay u goostaan tikitka ciyaartii ugu dambaysey taasoo ay Axadda la dheelayaan Argentina.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la fahamsan yahay in labadan ciyaaryahan ay hadda kusoo tooseen hargab fudud oo sita ‘calaamadaha hargabka geela subaxnimadii Jimcahan’ iyadoo gaar loo dejiyey lana qiimayn doono 24-ka saacadood ee soo socda.

Daafac kale, Dayot Upamecano, iyo khadka dhexe Adrien Rabiot, ayuu xanuunkani ku dhacay horraantii isbuucaan, waxaana ay seegeen semi-final-ka. Garabka kaydka ah ee Kingsley Coman ayaa sidoo kale xanuunsanaya.

Didier Deschamps ayaa haatan wajahaya sugitaan walaac badan si uu u eego bal in Varane iyo Konate ay soo kabsan karaan kulanka final-ka muddo 48 saacadood oo kaliya.

Hadalsame Media