Ronaldo oo ”taageero” ka dhex helay xiddigaha kale ee Xulka Portugal (Arrinta ay ku raaceen?)

0

(Lisbon) 16 Dis 2022 – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa hogaaminaya koox ka kooban ilaa sagaal ciyaaryahan oo Portuguese ah kuwaas oo weli aamusan kaddib markii shaqada laga cayriyey tababare Fernando Santos oo loo qabsaday mas’uuliyadda haritaankoodii Koobka Adduunka ee ay Morocco ku reebtay wareegga 8-da.

Macallin Santos ayaa la cayriyey khamiistii shalay kaddib guuldaradii 1-0 ahayd ee kasoo gaartey kooxda reer Afrika si ay usoo afjaraan tartan xiisad miiran ah oo uu Ronaldo cinwaanno badan oo xun ka sameeyey, ilaa markii dambe kaydka la geliyo ciyaaraha bug-baxda ee ay la dheeleen Switzerland iyo Morocco..

Wargaysyada Portuguese-ka ah ee Record iyo A Bola ayaa faafiyey kala qaybsanaanta kooxda – iyadoo sagaal xiddigood aysan ilaa haatan samaynin wax macasalaamayn ah oo ay u dirayaan Santos kaddib markii la cayriyey, inkastoo uu kooxda ku hoggaamiyey guushii Euro 2016 iyo sidoo kale tii Nations League ee 2018-19.

Laacibiintaasi Ronie ku raacay aamuska waxaa ka mid ah Ricardo Horta, Ruben Neves Diogo Costa, Jose Sa, Diogo Dalot, Antonio Silva, Joao Palhinha, Ruben Neves, Ricardo Horta iyo Rafael Leao.

Hadalsame Media