Maraykanka oo ciidan geeyey xadka Ruushka & Hub uu dalkaasi ka dooday uu halkaa geeyey + Sawirro

0
Police secures the area after 25 suspected members and supporters of a far-right group were detained during raids across Germany, in Berlin, Germany December 7, 2022. REUTERS/Christian Mang

(Tallinn) 16 Dis 2022 – Guuto ka tirsan ciidamada lugta ee Maraykanka ayaa gaarey dalka Estonia taasoo qayb ka ah dadaalka NATO ay ku doonayso inay kor ugu qaaddo ilaalinta isbahaysiga millateri gaar ahaan xuduudka bari, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee dalkan Baltic-ga dhaca.

War qoraal ah oo lagu daabacay website-ka Wasaaradda ayaa maanta lagu sheegay in askarta Maraykanku ay ku sugan yihiin saldhigga Taara ee magaalada Voru. Mid ka mid ah hawlahooda aasaasiga ihina waa inay tababaraan millateriga Estonia oo ay xoojiyaan wada shaqaynta labada ciidan.

Isagoo arrintan imaatinka ciidamada Maraykanka ka faalloonaya, Kornayl Mati Tikerpuu, oo ah taliyaha guutada 2-aad ee lugta ee ciidamada difaaca Estonia, ayaa sheegay inuu rajaynayo inuu awood u yeeshaan “inay dhexgal fiican la yeeshaan xulafadayada heer howlgal si ay u qaataan khibrad dheeri ah.”

Kornayl Richard Ikena, Taliyaha Madaafiicda Qaybta 1-aad ee Ciidanka Lugta Maraykanka, ayaa isna sheegay in ciidamada Maraykanku ay “ku faraxsan yihiin in ay tagaan Estonia” ayna ” rajaynayaan inay garab isku qabtaan, oo ayla shaqeeyaan Xulafadooda.”

Bayaanku wuxuu intaa ku daray in Washington sidoo kale la filayo in ay halkaa gayso koox ku hubaysan gantaal ridaha HIMARS iyadoo uu Wasiirka Difaaca Estonia ee Hanno Pevkur uu sheegay in tani ay u ogolaan doonto ciidamada Estonia inay “bartaan qaabka ay u shaqeeyaan” nidaamkan oo gantaalo badan tuura kahor inta aan hubkaa la siinin 2025-ka, iyadoo uu Ruushku aad uga dooday in hubkan la siiyo ciidamada Ukraine waloow la sheegay inuu Maraykanku maduufikeeyey si aan loogu ridin gudaha Ruushka.

Hadalsame Media