Kooxda wayn oo ka dhisan EPL oo ciyaartay kulan qarsoodi ah oo xitaa laga qariyey TV-ga kooxda (Waa kooxdee?)

0

(London) 16 Dis 2022 – Kooxda Manchester United ayaa barbardhac 1-1 ah si qarsoodi ah ula gashay Everton, kaddib ciyaar saaxiibtinnimo oo heerkul qabow ah ku dhacday oo lagu qabtay Carrington galabnimadii Arbacadii.

Wax tafaasiil ah oo ciyaartan ah la sii daynin, iyadoo shaqaalaha TV-yada naadiga Man Utd laftiisa aan loo ogolaanin inay duubaan ciyaarta, iyadoo labadan kooxiba ay isha ku hayaan inay jir ahaan diyaar noqdaan kahor dib u bilaabashada horyaalka  Premier League muddo laba toddobaad gudahood ah.

Sida lagu qoray Metro, ciyaarta ayaa la sheegay inay u badnayd inay u qaab egtahay sida tababar oo kale oo aanay ahayn ciyaar uu hab la dheceedu sarreeyo.

United youngsters Rhys Bennett and Kobbie Mainoo are both believed to have been involved for the hosts, with neither participating in the U21s trip to Bolton on Tuesday.

Da’yarta United sida Rhys Bennett iyo Kobbie Mainoo ayaa labadoodaba la rumaysan yahay inay ka qaybqaateen kulankan, iyadoo midkoodna uusan ka qaybgelin safarkii Junyarka 21-jirrada ee Talaadadii ka horreeysey.

Red Devils ayaa hadda fadhisa kaalinta shanaad ee kala sarreeynta horyaalka Premier League, iyagoo seddex dhibcood ka hooseeya Tottenham oo ku jirta afarta sare, waxay dib u bilaabi doonaan ololahooda horyaalka kulanka ay wajahayaan Nottingham Forest Diseembar 27.

Lama yaqaan sababta kulankan looga dhigay qarsoodi iyo sir culus.

Hadalsame Media