Hoggaamiye Afrikaan ah oo arrin yaxyax leh ka sameeyey shirka Maraykanka & Afrika (Daawo)

0

(Hadalsame) 16 Dis 2022 – Waxaa dalka Maraykanka loo tegey shir la sheegay inay iskugu yimaadeen Maraykanka oo halkaa ugu yeertey dhammaan madaxdii qaaradda Afrika oo idil.

Qaaradda Afrika waa midda qura ee ay arrintaasi ka dhacdo iyadoo mararka qaar ay xitaa u yeertaan dalal aan laftooduba horumarsanayn, shirarkaasina maadaama ay kuwo wadareed yihiin waxba kama soo baxaan marka laga reebo inay dalxiis oo kale u adeegsadaan madaxda micnaha yar ee Afrika.

Haatan waxaa dhacday arrin muujinaysa waxa ka khaldan qaaradda feceed laga reebay ee Afrika. MW Gabon ee Madaxweyne Ali Bongo Ondimba ayaa waxaa uu iska xaadiriyey Maraykanka tiiyoo ay jirto inuu socodku xitaa dhibayo.

Dalka Gabon lagama waayin qof da’ yar oo xilka qabta maadaama 75% dadka dalkaasi ku dhaqan 75% ay ka hooseeyaan da’da 35-sano jirka, iyadoo ay adag tahay in nin xaalkiisu uu sidan yahay uu gaaro go’aamo waaqici ah oo dal horay u wadi kara ama keeni karo fikrado cusub oo la jaanqaadi kara wadciga casriga ah ee maanta oo ay Afrika si kasta uga dib dhacday.

Ninkan oo 65-sano kusii dhow ayuu shallalku ku dhacay Oktoor 24 sanadkii 2018-kii mar uu booqanayey Saudi Arabia, iyadoo la qarinayey muddo sanad ka badan, waxaana ay doodo waawayni ka joogaan inuu leeyahay karti uu kusii xukumi karo dalkiisa oo uu xukunkiisa ka dhaxlay aabihii Cumar Bongo oo xilka hayey min Diseembar 2 1967 – ilaa Juun 8, 2009-kii.

Hadalsame Media