Waxay qorsheeyeen inay qabsadaan Baarlamanka Jarmanka oo ay khaarajiyaan RW dalkaasi (Dal uu kiisku lugta la galay & Ninka doonayey inuu Jarmanka qabsado)

0

(Berlin) 15 Dis 2022 – Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka ee Olaf Scholz ayay noloshiisu halis wayn geli lahayd haddii aysan booliisku fashilin diyaarinta afgembi ee lagu eedeeyey waxa loogu yeero ‘Muwaadiniinta Reich’, sida New York Times ay werisey.

Kaddib weerarro ballaaran oo ay booliisku ku qaadeen gobollo badan oo dalka ka tirsan dalkaasi todobaadkii hore, waxaa soo baxday in kooxdu ay hub badan urursatay ayna qorshaynayeen in ay xoog ku galaan baarlamaanka, sida laga soo xigtay jariidaddan.

NYT, ayaa iyada oo soo xiganaysa saddex sarkaal oo “la socda baaritaanka,” waxay u sheegeen in dokumentiyada laga helay dhismaha ay leeyihiin dhagar qabayaashu ay muujinayaan in kooxdu ay rabeen inay dilaan RW Scholz, sida ku xusan in ka badan 100 heshiis oo qarsoodi ahaa.

Sida laga soo xigtey ilo-wareedka NYT, weerarradan ayaa laga soo qabtay 40 hubka gacanta ah, waxaana maamulku ka shakisan yahay in hub badan lagu qarinayo goobo kale.

Waxaa intaa dheer, hoggaamiyaha la eedeeyey, Heinrich XIII, Prince of Reuss, oo la wareegi lahaa talada Jarmanka haddii afgambigu uu guulaysan lahaa, ayaa la sheegay inuu isku dayey inuu xiriir la sameeyo qunsuliyadda Ruushka ee magaalada Leipzig.

Ninkan ayaa la sheegay in ugu yaraan laba jeer uu la kulmay diblamaasiyiinta Ruushka. Si kastaba ha ahaatee, sida wargaysku tilmaamay, baarayaashu ma helin wax calaamado ah oo soo jeedinaya in Moscow ay lug toos ah ku leedahay arrintan, in kastoo uu muwaadin Ruush ah oo lagu magacaabo Vitalia B. ka mid yahay tuhmanayaasha.

Yeelkeede, afhayeenka Kremlin-ka ee Dmitry Peskov ayaa beeniyey inay wax lug ah ku leeyihiin kiiska dhagar-qabayaashan, isaga oo ku sifeeyey shirqool la xiriira arrin maxalli ah oo ka jirta gudaha Jarmanka.

Tuhmanayaasha waxaa sidoo kale ka mid ah laba nin oo ilaa hadda ka tirsan iyo mid hore uga tirsanaan jirey xisbiga garabka midigta fog ee dalka Jarmanka ee Alternative for Germany, sida uu sheegay wargaysku.

Xuddunta shabakaddani ka kooban tahay ayaa lagu eedeeyey inay ka samaysan tahay waxa loogu yeero Reichsbuerger (‘Mawaadiniinta Reich’), kuwaas oo aaminsan in dalka Jarmanku aanu xor ahayn kaddib Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

 

Heinrich XIII, Prince of Reuss oo lasoo qabtay
Police secures the area after 25 suspected members and supporters of a far-right group were detained during raids across Germany, in Berlin, Germany December 7, 2022. REUTERS/Christian Mang

Hadalsame Media