Khabar ay ku farxeen Xulka Marooko oo kasoo yeeraya xerada Xulka Faransiiska (Imisa jeer ayay kulmeen?)

0

(Dooxa) 13 Dis 2022 – Xulka qaranka France ayaa lagu soo waramayaa in ay halis ugu jiraan inay ka maqnaadaan laba xiddig oo muhiim u ah kulanka Semi-finalka Koobka Addduunka ee ay la ciyaarayaan Morocco.

Waxaa xiddigahaa laf-dhabarta ah lagu sheegay daafaca dhexe ee Dayot Upamecano iyo xiddiga khadka dhexe ee Adrien Rabiot tababarka jirro uga maqnaa. Taasina dabcan ma aha xaalad ku habboon koox kasta oo rabta inay guulaysato kulan muhim ah, iskaba daa in ay semi-finalka Koobka Adduunkee.

Dhanka kale, laga soo bilaabo Doha ilaa Dar es Salaam, Casablanca ilaa London, wacdaraha Koobka Adduunka ee Marooko waxa uu qabsaday male-awaalka dadka waxaana ka dhashay dabbaaldegyo farxadeed, iyadoo ay dad badani kulan kasta kooxdan lagu wajahayo yaab iyo rajo isla socda.

Ololaha KA ee Libaaxyada Atlas ayaa iskaga gudbey min qaran ilaa qaarad, maadaama ay ku xiran yihiin dad caqiidada la wadaaga. Dad badan ayaa ka shinsanaya min Afrika, dunida Carabta, dadka Muslimiinta ah iyo kuwa kale oo xitaa ku taageeraya in dalalkii aan looga barani ay u tartamaan KA.

TAARIIKHDA – Kooxda difaacanaysa koobkan ee Faransiiska ayaan waligood guuldarro kalama kulmin Morocco, dhammaan shantii kulan ee ay hore u kulmeen oo ahaa kuwa saaxiibtinnimo oo caalami ah (Saddex guul, labo barbaro ayay galeen). Kulankii ugu dambeeyey ee labada dhinac dhexmara wuxuu ahaa 2-2 bishii Nofeembar 2007-dii.

Hadalsame Media