DEG DEG: Ronaldo oo dib ugu laabtay kooxda Real Madrid

0

(Hadalsame) 13 Dis 2022 – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa kusoo laabtay xerada tababarka ee Real Madrid ee Valdebebas, afar sano kaddib markii uu ka tegey kooxda kaddib markii uu waayo cajiib ah kusoo qaatay garoonka Santiago Bernabeu.

Xiddiga reer Portugal, sida ay ku warantay hay’ad warbaahineedka Isbaanishka ee Relovo, waxa uu kaligiis ku tababaranayaa xarunta si uu jir ahaan diyaar u ahaado xilli uu raadinayo naadi cusub.

Ronaldo ayaa xor ahaa tan iyo markii ay si wadajir ah loo fasaqay heshiiskii uu kula jirey Manchester United bishi hore.

Waxaa la sheegay in 37-sano jirkani uu waydiistey Madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez inuu ku tababaran karo xerada Valdebebas dhowr maalmood kaddib markii Portugal ay ka hartay Koobka Adduunka 2022.

Hadalsame Media