Dalkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo agab ciidan siinaya dalka Ukraine (Waa dalkee?)

0

(Hadalsame) 14 Dis 2022 – Horraantii bishan Diseembar, ‘Africa Intelligence,’ oo ah warqaad hormuud ah oo faallooda arrimaha ku saabsan dowladda Afrika iyo arrimaha shirkadaha, ayaa sheegay in Washington ay ku qancisay Morocco inay qaybo ka mid ah taangiyadeeda T-72 gaarsiiso Ukraine iyada oo loo marayo diblomaasiyad qarsoodi ah.

Ciidamada Morocco ayaa waxay leeyihiin taangiyo badan oo T-72B/BK oo ay kasoo iibsadeen Belarus intii u dhaxaysey 1999 iyo 2001. Kuwaas waxaa ka mid ah 136 xabbo oo ah nooca T-72B iyo 12 xabbo oo ah T-72 BK.

Marka laga reebo taas, Morocco waxay leedahay hub aad u badan oo taangiyo ah oo ay kasoo iibsadeen meelo kala duwan, oo ay ku jiraan 384 taangi oo ah midka Maraykan-sameega ah ee M1A1 iyo M1A2 Abrams, 150 xabbo oo ay Shiine iyo Pakistan isla sameeyeen ee VT-1A Al Khalid, iyo sidoo kale boqollaal kale oo American ah sida M48 iyo M60 Pattons, iyo 116 xabbo oo ah mida Australia samayso ee SK-105 oo kayd ah.

Sida ay wararku sheegayaan, Ukraine ayaa Morocco ka codsatay qaybo ka mid ah kabka taangiyada T-72 sannadkii 2015-kii, sidaa darteed ma aha markii ugu horreeysey ee ay Kyiv kala xiriirto Rabaad arrintan.

Si kastaba ha ahaatee, waqtigan xaadirkan ayay Ukraine doonaysaa agabkan iyadoo ay Moroc, balse wareejinta agabkan ayaa dhacaya iyada oo uu Ruushku duullaanka ku yahay dalka Ukraine, taasoo Marooko kahor keenaysa dhinaca Moscow.

Markii hore, Rabaad waxay isku dayday inay qaadato mowqif dhexdhexaad ah, sida Afrikaanka kale, tusaale codbixintii Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Maarso 2022 ee lagu cambaareeyey gardarrada Ruushka ee Ukraine. Marooko waxay ka mid ahayd 25 dal oo ka mid ah 54-ta dowladood ee Afrikaanka ah ee ka aamusay ama aan u codayn qaraarkaas Qaramada Midoobey.

Balse, Marooko ayaa cadaadis ba’an kala kulmaysa Maraykanka oo doonaya inay agabkan siiyaan Kiev, isagoo taa ku xiraya hub ay ka doonayso shirkadaha Maraykanka sida kuwa F-16C/D Block 72 iyagoo raba in loo casriyeeyo raxantii hore iyo kuwa Boeing ee qumaatiga u kaca ee AH-64 Apache.

Hadalsame Media