”Xanuun & hubaal la’aan” – Ronaldo oo farriin murugo badan soo saaray

0

(Dooxa) 13 Dis 2022 – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa farriin yara maldahan kusoo qoray Instagram-ka seddax maalmood uun kaddib markii Portugal ay si lama filaan ah uga hartay Koobka Adduunka.

37-jirkan ayaa ciyaarta kusoo bilowday kursiga kaydka, kaddib markii uu ka ka xiise dhacay macallinka xulka qaranka ee Fernando Santos, kahor inta aan bartamihii ciyaarta ​​lagu soo tuurin guuldarradii kasoo gaartay Morocco.

Hadda – xilli weli ay xirfaddiisa maxalliga ihi hawada ku jirto maadaama uusan koox helin – xiddigga wayn ayaa daaha ka qaaday ‘saddexda dhinac ee xaqiiqada nolosha’ qoraal uu soo dhigay habeenkii Isniintii.

Weeraryahanku waxa uu Instagram-ka la wadaagay sawir uu ku faahfaahiyey ‘saddexda dhinac ee xaqiiqada nolosha isagoo u qoray sidan: ‘xanuun, hubanti la’aan iyo shaqo joogto ah’.

Ronie ayaa markii laga badiyey ku haray dalka Qadar kaddib markii uu diidey inuu dib ugu duulo caasimadda dalkiisa ee Lisbon oo ay aadeen inta badan xiddigaha dalkiisu, isagoo saaran diyaarad wadareed loosoo diray.

Hadalsame Media