Saykolojiiste oo sheegay sabab la yaab leh oo keentay inuu Kane cuno rigooraha labaad (Maxaa dhacay?)

0

(Hadalsame) 13 Dis 2022 – Qannaaska Harry Kane ayaa kaligiis laga tagay 30-kii ilbiriqsi oo muhim ahaa niyad ahaan kahor inta uusan khasaarin rigooradii labaad ee loo dhigay kulankii France, iyadoo Professor cilmu-nafsiga kubada cagta ihi uu muujiyay, in sababtu tahay in ‘dhiirrigeliyihiisii’ Jordan Henderson ciyaarta laga saaray.

Kabtanka Xulka England ee Kane ayaa rigoore cunay daqiiqaddii 84-aad kunlakii wareegga 8-da ee Koobka Adduunka Sabtigii, waxayna taasi guuldarro xanuun badan ku xukuntay Xulka Three Lions oo 2-1 ah lagu reebay.

Weeraryahanka Tottenham ayaa rigoorihii koowaad u dhaliyey xulkiisa isagoo barbaro 1-1 ah ciyaarta ka dhigay, balse sababta uu kan labaad u cunay ayaa sharraxaad yaab leh laga bixiyey.

Geir Jordet, oo ah borofasoor wax ka dhiga Iskuulka Sayniska Isboortiga ee Norway, ayaa soo bandhigay fikrado ku saabsan sababta uu Kane uu u cunay goolka qoraallo taxane ah oo xiiso badan oo uu soo tweet gareeyey.

Wuxuu keenay cadaymo badan oo muujinaya in Henderson uu dabiiciyan yahay laacib ku fiican dhiirrigelinta xiddigaha ay isku kooxda yihiin, gaar ahaan marka ay rigoorayaasha ridayaan uu sidaas oo kale sameeyey markii uu rigooraha koowaad dhalinayey Kane.

Wuxuu u qabtay kubada isagoo u raacay ilaa goobta ay ku taallo barta laga gamo isagoo weliba ka ilaalinaya ciyaar maskaxeedka laacibiinta lidka ah sida uu yeelo xitaa marka uu joogo Liverpool.

Yeelkeede, Henderson waa la bixiyey markii uu Kane cunayey rigoorihii labaad taasoo keentay inuu kaligii muddo nus-daqiiqo ah dhex taagnaado diilinta isagoo aan haysan wax niyad dhis ah, sida uu qabo Jordet oo ku takhasusay saykolojiyadda ciyaaraha iyo sida ay u shaqayso macnawiyadda laacibku.

Halkan hoose ka dheeho qoraalladiisa oo sawirro wata, adigoo furaya tweet-ka ugu horreeya…


Hadalsame Media