DUULLAANKII MAROOKO: Imisa duullimaad oo taageerayaal sida ayaa ka imanaya Casablanca? (Go’aan kasoo baxay diyaaradda dalkaasi)

0

(Dooxa) 13 Dis 2022 – Shirkadda qaranka ee Royal Air Maroc ayaa go’aansatay inay samayso ku dhowaad ​​30 duullimaad oo khaas ah oo u dhexeeya Casablanca iyo Doha maanta iyo berri oo Arbaco ah si ay taageerayaasha Morocco ugu soo daabulaan semi-finalka Koobka Adduunka ee taariikhiga ah oo ay France kula ciyaari doonaan dalka Qadar.

“Si loo suurtageliyo in Moroccan badan oo doonaya inay taageeraan xulka qaranka ee ciyaaraya semi-finalka Koobka Adduunka, Royal Air Maroc waxay buundo ka samaysay hawada u dhexeysa Casablanca iyo Doha,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirkadda diyaaradaha.

Dhanka kale, Doha, tababaraha Morocco Walid Regragui ayaa dhowr jeer baaq u jeediyey taageerayaasha Morocco isagoo leh:

“Waxaad tihiin qofka 12-aad ee kooxda, xulka qaranku waa inuu mideeyaa dhammaan Moroccan-ka, haddii aan ku guulaysaney inaan dadkeenna ku mideeyno kubada cagta, waa wax wanaagsan.” ayuu yiri.

Morocco ayaa berritoole ciyaarta labaad ee nus-dhamaadka ku wajahaysa dalka Faransiiska, kaddib markii ay koobka ka reebtay dalalkii waawaynaa ee Yurub sida Belgium, Spain iyo Portugal.

Hadalsame Media