Diyaarad dagaal oo soo gashay hawada Somalia & dalka iska leh + Sawirro

0

(Hadalsame) 13 Dis 2022 – Waxaa hawada Somalia qaddar yar soo gashay misna ka baxday dayuurad xamuul ah oo ay leeyihiin Ciidamada Cirka dalka Japan ee JASDF.

Dayuuraddan oo ah nooca Japan-sameega ah ee Kawasaki C-2, oo ka duushay saldhig ku yaalla Jabuuti, ayaa sida ka muuqata raadadkeeda waxay marka hore soo gashay hawada gobolka Awdal iyo qayb ka mid ah Woqooyi Galbeed ee hawada Soomaaliya.

Waxay deeto u leexatay dhinaca Badda gaar ahaan Gacanka Berbera iyadoo deeto inta Yaman u gooysey Sucuudiga ka gashay dhinaca hawada dalka Cumaan.

Lama hubo in arrintan ay ka war qabto DF Somalia oo haatan xukunta hawada Somalia iyo in lagu wargeliyey toona.

Hadalsame Media

Facebook Comments