Saxaafadda Ingiriiska oo qiimaysay bandhigga ciyaartoyda Ingiriiska & Shanta ugu sarreeysa

0

(London) 12 Dis 2022 – Xulka England ayaa markii todobaad wareegga 8-da uga haray Koobka Aduunka fiidnimadii Sabtidii kaddib markii ay guuldarro 2-1 ah kala kulmeen France, waana dalka ugu badan ee heerkan ku hara.

Wax badan ayay warbaahinta Ingiriisku dhaliileen go’aankii uu garsoore Wilton Sampaio ku ogolaaday goolkii Aurelien Tchouameni tiiyoo ay jirto in khalad laga galay Bukayo Saka markii weerarka rogaal-celiska ah lasoo bilaabayey, waxay sidoo kale ku eedeeyeen inuusan Seddexda Libaax rigoore u dhigin markii la jillaafay Harry Kane qaybtii hore ee ciyaarta.

Laakiin kooxda Gareth Southgate ayaa mar kale ku fashilantay tartan wayn, waxaana ay haatan ku soo laaban doonaan dalkooda si ay u bilaabaan isku diyaarintooda Euro 2024 ee ka dhacaysa Jarmanka.

Laacibiinta Ingiriiska ee tartankan KA ka qaybgalay ayaa haddaba la qiimeeyey waxaana ugu sarreeya afarta laacib ee Saka, Bellingham, Declan Rice, Jordan Henderson, Harry Kane, Marcus Rashford iyo si la yaab leh Maguire.

Halkan kasii aqri qiimaynta guud….

Hadalsame Media