Maxaa ka jira in Afrika ay Koobka Adduunka ka heli doonto xulal badan (Waxa u sabab ah & dal fursad wayn heli doona?)

0

(Hadalsame) 12 Dis 2022 – Waxaa nus-dhamaadka markii ugu horreeysey taariikhda taagan dal Afrikaan ah kaddib markii ay Marooko oo xulal waawayn soo cuntay ay rubuc-dhamaadka ku reebtay Ronaldo iyo raggiisii, waxaana soo baxay dad sheegaya in sidaa darteed Afrika loogu badinayo xubnaha ay ku leedahay Koobka Adduunka.

Yeelkeede, sidaa ma aha oo guusha qaaradi gaarto si toos ah uguma shuruudaysna in xulalka loo kordhinayo, balse waa run in Afrika ay heli ku dhowaad kala bar in la eg ama ku dhow tiradada ay haatan haysato oo ah shan xul, sababtuna waa in Koobka Adduunka laga dhigayo 48 dal marka la gaaro dufcadda soo socota ee KA2026 oo ay wada martigelin doonaan Maraykanka, Canada iyo Mexico, waana go’aan lagu gaarey kulankii Golaha FIFA ee ka dhacay Bahrain 2017-kii.

Afrika oo FIFA ku leh 54 xiriir oo rasmi ah ayaa heli doonta 4 xul oo dheeraad ah iyo hal xul oo geli doona isreebreeb kala bax ah (play-off), taasoo ka dhigan in haddii uu soo baxo xulka dambe ay Afrika TOBAN xul u diri doonto KA2026-ka.

Qaaradaha kale ayaa iyana loo kordhiyey weliba kuwii markii horeba loo roonaaday sida Ameerika iyo Yurub, tusaale, Yurub oo haatan 13 leh waxay heli doontaa 16 dal, halka Koonfurta Ameerika oo iyada dhamiba toban xiriir ah la siiyey 6 toos ah iyo mid kusoo bixi kara kala bax, Woqooyiga iyo Bartamaha Ameerika ayaa iyana qaadan doona seddax dheeraad ah oo waxay gaari doonaan 6 dal.

Aasiya oo hadda afar dal ku timaada ayaa 8 boos loo qoondeeyey, halka Oceania hal boos bannaanka loo dhigay halkii ay kusoo bixi jirtey kulan kala bax ah (play-off).

Tani waxay fursad wayn siin doontaa dalka yar ee New Zealand oo haatan jasiirado yar yar uun kula tartami doona isreebreebka maadaama ay Australia mar hore ku biirtay Xiriirka AFC ee Aasiya.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

Facebook Comments