Laacibka Hakim Ziyech oo caadaystey arrin si wayn loogu amaanay oo aysan dad badani ogayn

0

(Dooxa) 12 Dis 2022 – Laacibka garab-weerarka ah ee Hakim Ziyech ayaa wacdaro ka dhigaya Koobka Adduunka oo uu dalkiisu markii ugu horreeysey taariikha uu rubuc-dhamaad iyo nus-dhamaadba gaarey.

Yeelkeede, laacibkan ayaa sameeya arrin aad loogu amaanay oo uu ajar kaga raadsanayo xag Alle.

Ziyech ayaa la sheegay inuusan abid qaadanin gunnada u go’da marka uu metelayo xulka qaranka dalkiisa ee Marooko, sida uu qorayo Sportmediaset.

Taa bidaalkeeda, wuxuu tan iyo 2015 uu gunnadiisa ugu deeqayey dadka fuqarada ah ee dalkiisa isagoo aan shilin ka goosan.

Lacagta uu bixiyo ayaa lagu sheegay ilaa 300,000 oo Euro.

Hadalsame Media