Kyle Walker oo arrin aad loogu dhaliilay ku sameeyey laacibka Mbappe ciyaarta kahor (Daawo)

0

(London) 12 Dis 2022 –  Daafaca Kyle Walker ayaa waxa uu ka dhabeeyEy sheegashadiisii ahayd in aanu roog cas u DHIGI doonin weerarka dheereeya ee Kylian Mbappe, isaga oo ku caajiyey mar uu gacan qaad u waddacay xilligii ay taagnaayeen dusmada garoonka kahor guuldarradii England ka soo gaartey France Sabtigii.

Waxay taasi qalbi jab u ahayd xulka Saddexda Libaax ee laga reebay Koobka Adduunka 2022 kaddib markii ay 2-1 ku garaaceen horyaallada adduunka ee Faransiiska oo markoodii seddaxaad doonaya inay koobka hantaan.

Yeelkeede, Ciyaarta kahor ayaa waxaa dhacday xiisad yar oo jir-xumayn ah, waloow dadabka midig ee Ingiriiska ee Walker lagu dhaliilay arrintaasi oo aan ka mid ahayn ciyaar wanaagga, sida laga dheehanayo fal-celinta dadwaynaha.

“Ma doonayo inaan roog cas oo aan u dhigo si uu gool u dhaliyo. Waa Koob Adduun, waana dhali ama dhimo.’ ayuu 32-jirka Man City shir jaraa’id uga faanay ciyaarta kahor.

Yeelkeede, intii ay ciyaartu socotey waxaa garabka ku silcinayey Mbappe oo ay adag tahay in la celiyo maadaama uu isku darsaday orod, xoog, caabboonaan, da’yaraan iyo farsamo.

Hadalsame Media