Dowladda Kenya oo ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan wadahadallada DF Somalia & Somaliland

0

(Nairobi) 12 Dis 2022 – La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxwaynaha dalka Kenya, Monica Juma, ayaa qoraal ay barteeda twitter-ka ku baahisay Axaddii ku sheegtay in Dowladda Kenya ay soo dhawaynayso sida ay DF Soomaaliya iyo Somalilland uga go’an tahay inay sii wadaan waddada wadahadalladda.

Monica Juma ayaa sidoo kale sheegtay in hoggaamiyeyaasha labada dhinac ku heshiiyeen ama isku raaceen in dib loo bilaabo hannaanka dib u heshiisiinta.

”Waxaan soo dhawaynaynaa sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyadu inay sii qaadaan waddada nabadda waarta” ayay ku bilowday Monica Juma.

”8-dii Diseembar, Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxay ku heshiiyeen dib u furidda hannaanka dib u heshiisiinta.” ayay raacisay.

Hadalsame Media

Facebook Comments