RASMI: FIFA oo furtay baaris ka dhan ah Argentina & Holland + Sababta

0

(Dooxa) 10 Dis 2022 – FIFA ayaa lagu wadaa inay furto baaritaanno ka dhan ah xiriirrada kubada cagta ee Argentina iyo Holland kaddib markii ay iskula dhaceen afar-dhamaadka.

Labada xul qaran ayaa ku dagaallamay wareegga 8-da ee Koobka Adduunka halkaasoo Argentina ay kusoo baxday –kaddib markii ay 2-2 ku kala baxeen waqtigii dheeriga ahaa – kaddib rigoorayaal dhib badan.

FIFA ayaa tiri: “Guddiga anshax marinta ee FIFA wuxuu furay dacwad ka dhan ah xiriirka kubbadda cagta Argentina sabab la xiriirta jebinta suurtagalka ah ee qodobbada 12 (Anshax-xumada ciyaartoyda iyo saraakiisha) iyo 16 (nidaamka iyo amniga ciyaaraha) ee xeerarka anshaxa FIFA.

Intaa waxaa dheer, in Guddiga Anshaxa ee FIFA uu sidoo kale furay dacwad ka dhan ah xiriirka Kubadda Cagta Holland sababo la xiriira jebinta qodobka 12-aad ee xeerka anshaxa FIFA ee la xiriira isla ciyaartaasi.

Eedaymaha la xiriira anshax-xumada kooxaha ayaa ah mid joogto ah haddii ay kooxdu urursaro shan kaar oo jaalle ah hal ciyaar, sidaas darteed baaristan anshax-marinta ah ayaa laga furay labada xul ee Argentina iyo Netherlands.

Hadalsame Media