‘‘Orda dheela ciyaar-gacmeedka FIFA!” – Maxaa xalay kala qabsaday Agüero iyo Wout Weghorst (Daawo)

0

(Dooxa) 10 Dis 2022 – Muuqaal naxdin leh ayaa daaha ka qaadaya markii uu xiddigga ciyaaraha ka fariistay ee Sergio Agüero uu u sheegay laacibka Holland ee Wout Weghorst in uu ‘aamuso’ dood aad u kulul oo dhexsatay kaddib ciyaarta.

Ciyaartii xalay ayaa waxaa hareeyey daraamayaal badan – iyadoo Argentina ay iska xaadirisay semi-finalka Koobka Adduunka – iyadoo la helay muuqaal muujinaya Agüero oo ay qoorta isla galeen geesigii labada gool u dhaliyay Holland ee Weghorst.

Labada ciyaaryahan ayaa si fool ka fool ah isugu helay dusmada garoonka ciyaarta kaddib iyadoo Aguero uu arrinta la tegey baraha bulshada isagoo ku jeesjeesaya guuldarrada Holland.

Muuqaal uu Agüero ku faafiyey Twitter-ka ayaa laga arkayaa laacibiinta xulka Holland oo niyad jabsan kaddib guuldaradii rigoorada ka raacday – xilli ciyaartoyda Argentina ay la qaylinayeen farxad – isagoo ku qoray: ‘Orda dheela ciyaar-gacmeedka FIFA’.

Muuqaal kale ayaa muujinaya Lionel Messi oo wajahaya Weghorst intii lagu jirey waraysigii ciyaarta kaddib, kaasoo Aguero uu si kaftan ah ugu soo qoray: ‘Marka ay eegaan gabadhaada’ isagoo raacinaya abo emoji oo qoslaya.

Hadalsame Media