KASHIFAAD: Sababta keentay inay laacibiinta reer Argentina ay aad ugu camirtaan kuwa Holland (Daawo)

0

(Muqdisho) 10 Dis 2022 – Nicolas Otamendi ayaa ku andacoodey in dabaaldeggii ka badbadiska ahaa ee Argentina ay ku hor sameeyeen wejiyada laacibiinta Holland ay jawaab u ahaayeen xeeladaha cabsi gelinta ahaa ee xulka Holland, waxaana soo baxay muuqaaklo cusub oo taageeraya hadalka daafaca.

Sawirrada xulka haysata Koobka South America oo si waali ah ugu hor dabaaldegaya guushii wareega 8-da ee ay rigoorayaal uga soo bexeen ayaa la arkayey iyadoo aad loogu dhaleeceeyey arrintan ay diiradda ku saareen kooxdii kasoo horjeedey marka loo eego u soo bixiddooda semi-finalka.

Yeelkeede, xiddiggii hore ee Man City ee Otamendi ayaa sheegay in fal-celintaa waalani ay jawaab u ahayd caradii ay ka qaadeen hab-dhaqanka xiddigaha Holland intii ay socotey ciyaartu.

“Waan ugu hor damaashaaday maadaama uu hal ciyaaryahan oo Netherland ka tirsani, uu usoo dhowaanayey oo uu cabsi gelinayey laacib kasta oo naga mid ah marka uu usii socdo inuu rigooraha tuurto.” ayuu yiri.

Hadalsame Media