GANACSADIHII GEERIDA: Maraykanka oo sii daayey nin lagu tilmaamay ”laadarintii aflaamta oo nool” & Ujeedka + Sawirro

0

(Hadalsame) 10 Dis 2022 – Ninkan caanka ah ee hubka ka ganacsada Victor Bout ayaa xabsi maraykanka ku yaal laga sii daayey kadib maxaabiis is waydaarsi dhexmaray maraykanka iyo Ruushka isagoo lagu badashay xidigta kubadda kolayga Brittany Geiner, taas oo Ruuska u xirnayd.

Brittany Greiner, oo lagu tilmaamo ciyaaryahanka kubadda kolayga Maraykanka ee ugu fiican dhanka dumarka, ayaa la xiray fibraayo mar ay kusoo laabanaysay Maraykanka iyadoo kasoo ciyaartay Ruushka boorsooyinkeedana laga helay daroogo marka ay kasoo baxaysay garoonka Moscow.

Dhowrkii bilood ee u dambeeyay, waxaa jiray hadallo warbaahinta dhexmarayey oo sheegayey in masuuliyiinta Maraykanka ay ka fikirayaan sii daynta Victor Bott asagoo lagu badalanayo Brittany Greiner.

Bout oo ah sarkaal hore ee ciidamadii cirka xiligiii soofiyeedka ayaa aad ugu caan baxay ka nacsiga hubka ilaa laga sameeyay filin loogu magac daray aabaha dagaalka (lord of war).

Victor Bout oo gacmaha ka xiran

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Balse yuu yahay ninkan loogu yeero ganacsadaha geerida?

Bout waxaa lagasoo qabtay Thailand 2010-kii xilli lagu guda jiray hawl galkii 2008 DEA.

sannadkii 2008 ciidamada sirdoonka maraykanka ayaa siray falaagada Kolombiya ee FARC loosoo gaabiyo kuwaasoo Maraykanku argagixiso u aqoonsanyahay kadib waxay iska dhigeen inay hub gadanayaan oo kale,waxayna xiriir la sameeyeen qaar ka mid ah kuwii ay isla shaqaynayeen Victor Bout markii dambena asaga laftiisa ayey heleen.

Victor wuxuu ku dooday inuu yahay ganacsade caadi ah oo si sharci ah alaabo kale uga ganacsada balse lagu eedeeyay in uu hub ka iibiyo falaagada caalamiga ah ee koonfurta Ameerika asaga oo ku tilmaamay eedaymahani inay yihiin kuwa uu Maraykan-ku siyaasad uga gol leeyahay.

sanadkii 2012 ayey maxkamadi xukuntay. Balse gudiga xeerbeetida New York ayaan ku qancin sheekadiisa waxaana lagu xukumay 25 sano oo xarig ah isku day dil oo uu la doonayey saraakiil maraykan ah iyo iibka uu ka iibiyey lidka diyaaradaha urur aragagixiso. Victor waa muwaadin ruush ah kuna dhashay Tajikistan. Wuxuu 1990-meeyadii bilaabay ganacsiga safrinta dhanka hawada kadib markii uu midowgii soofiyeedku kala daatay 2007, xeel dheerayaasha amniga Douglas Farah iyo Stephen Brann ayaa ku qoray buugooda ‘Merchants of Death’ in Bott uu bilaabay ganacsigiisa asigoo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka ee looga tagay garoomada diyaaradaha kadib burburkii midowga soofiyeet.

Xilligan asaga ah waxaa beec ahaa diyaaradda gaadiidka hawada ee Swedish Airlines Entvo iyo Allussions macal shaqaalahooda waxayna aad ugu haboonaayeen safrinta alaabta ee caalamka.

Bout oo markii la xirayey 45 jir ahaa ayaa la sheegay inuu adeegsaday shirkadaha hubka si hub loogu daldalo dagaalada ka socday Afrika.

Qaramada midoobay ayaa Bout ku tilmaamay inuu ahaa garabka madaxwenahii hore ee Liberia, kaas oo 2012-kii lagu helay hurinta dagaalla iyo ku lug lahaanshaha dembiyo dagaal inta uu socday dagaalkii sokeeye ee Sierra Leone.

Bout waa ganacsade, iib geeya safriyana hubka iyo macdanta kaas oo “caawiyey dawladda madaxweyne hore Taylor si xasilooni darro looga abuuro Sierra Leone uuna si sharci darro ah u helo dheeman,” ayaa lagu sheegay waraaqo ay qaramada midoobay soo saartay.

Sida lagasoo xigtay warbaahnta bariga dhexe, wuxuu sidoo kale hub siin jiray Taalibaan iyo Al-Qaacida.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu labada dhinacba ee iskaga soo horjeeday dagaalkii sokeeye ee Angola uu hub siin jiray, si lamid ah hogaamiye kooxeedyada iyo Dawladdaha sida koongo, suudaan iyo liibiya iyo jamhuuriyadda Afrikada dhexe.

Victor oo gacmaha iyo lugaha ka xiran oo ay garbaha wadaan boolisku

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Kadib markuu akhriyey warbixinta Victor Bout 2003-dii, Peter HGein wuxuu yiri “Waa ganacsadaha geerida kaas oo isha ugu wayn ee hubka u ah Yurubta bari, laga bilaabo Bulgaria Moldova iyo Ukraine ilaa Liberia iyo Angola”.

Hantidiisa Maraykanka ayaa lagala wareegay 2006-dii balse ilaa xiligaas ma jirin sharci lagu maxkamadayn karo maraykanka dhexdiisa.

Wuxuu sheegay Victor in dawladda maraykanka ay usoo maleegtay dacwad siyaasadaysan, xaaskiisuna waxay sheegaty in Kolombia uu u tagay oo kali ah si uu u barto ciyaarta ‘tango’.

Masuuliyiinta Ruushka ayaa garab siinayey inta ay maxkamadayntiisu socotay wuxuuna wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka xiligaas wacad ku maray inuu Victor Ruushka kusoo celin doono asagoo ku tilmaamay go’anka maxkamadda Thailand mid aan cadaalad ahayn oo siyaasad ku salaysan.

Dhamaadka 2005-tii waxaa ku jirtay filinkii Hollywood ee noloshiisa laga samayay asagoo xabsiga ka baxsanaya. Laga yaabo inay markaas riyada Bout ee ah inuu xabsiga ka baxo aanay rumoobi karin, balse 12 sano kadib , maanta ayuu gurigiisa ku laabatay kadib markii lagasii daayey xabsiga.

BBC

Hadalsame Media