DF Somalia oo baaris ku ogaatey arrin ”naxdin” leh oo ay ku dhaqaaqeen kooxda Shabaabku

0

(Muqdisho) 10 Dis 2022 – Dowladda Soomaaliya ayaa aaminsan in Al Shabaabku ay xasuuqeen dagaalyahannadoodii ay dhaawacyadooda uga carareen degmada Aadan Yabaal markii ay kusoo siqayeen ciidamada dowladdu.

Horraantii todobaadkan ayay ahayd markii ciidamada Soomaaliya ay ka heleen xabaalo wadareedyo ku yaalla Ddegmada Aadan Yabaal ee dhowaan la xoreeyey kaddib markii ciidamada dowladda oo garab ka helaya malleeshiyo beeleedka deegaanku ay ku khasbeen Al Shabaab in ay isaga baxaan magaalada Isniintii.

Baaritaan lagu sameeyey xabaalo wadareedyadan ayaa lagu ogaaday in maydadku ay ka tirsanaayeen dagaalyahanadii hore ee Al Shabaab. Ku dhowaad dhamaantoodna waxay qabeen dhaawacyo labaad oo aanay suurtagal ahayn inay ka badbaadaan.

War-saxaafadeed ay soo saartay Jimcihii, DF Soomaaliya ayaa waxay ku cambaaraysay dilka wadareedkan oo ay ku sheegtay mid ka baxsan “Islaamka, bini’aadminnimada, dhaqanka Soomaaliyeed iyo anshaxa suubban”.

Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay dhaqaatiir ay u direen Aadan Yabaal markii ay degmada ammaankeeda sugeen si ay gurmad caafimaad ugu fidiyaan dagaalyahannada labada dhinac ee dhaawaca ah. Si kastaba ha ahaatee, waxay ka naxeen markii ay heleen godad ay ka buuxaan maydad, oo aan urkooda goobta laga joogi karin, sida ay sheegeen.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Madaxwayne Xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Dabageed iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, ay booqasho ku tageen degmadaasi iyagoo la kulmay shacabka iyo ciidamada oo ay kala hadleen qorshaha maamulka halkaa laga dhisayo.

Hadalsame Media