Ciyaartooyda Argentina oo si xun ula dhaqmay Dutch-ka iyo goolwale Emiliano Martinez oo si toos ah u caayey (Daawo)

0

(Dooxa) 10 Dis 2022 – Goolhayaha Argentina ee Emiliano Martinez ayay kaamarooyinku qabteen isagoo ku qaylinaya oo caayaya mid ka mid ah xulka Holland kaddib markii ay rigooreyaal kaga guulaysteen habeenkii Jimcihii xalay.

Argentina ayaa u muuqatey mid guul la hoyatey kaddib markii ay hogaanka ku qabteen laba gool oo ay u kala dhaliyeen Nahuel Molina iyo Lionel Messi. Si kastaba ha ahaatee, labo gool oo soo daahay oo uu dhaliyey Wout Weghorst ayaa ciyaarta gaarsiiyey waqtigii dheeriga ahaa, kaddibna waxaa loo baahday rigooreyaal lagu kala saaro labada dhinac.

Qabtaha Martinez ayaa markaa badbaadiyey labo rigoore, iyadoo Argentina ay u soo baxday semi-finalka kaddib ciyaar xamaasad badnayd oo lagu qaatay 14 kaar oo digniin ah 128 daqiiqo gudahoo – lix la siiyey Netherlands, iyo sideed ay qaateen Argentina – oo lagu daray kaarka jaalaha ah oo loo taagey caawiyaha macallinka Argentina ee Walter Samuel iyo kaarka cas ee la siiyey Denzel Dumfries.

Yeelkeede, Xulka Argentina ayaa lagu dhaliilay anshax xumo iyagoo si xushmad darro ah ugu kor boodboodey laacibiinta Holland.

Waxaa dheer, in Martinez uu si furna u caayey xulka Holland qaybtii kaydka fadhidey isagoo ku leh: ”Qabta afkiinna qashinyohow! Laba jeer ayaan idin garaacnay!’ ayuu yiri.

Hadalsame Media