XOG: Dalalka ugu waawayn EU oo si hoose usoo jeediyey in la khafiifiyo cunaqabataynta Ruushka (Dokumenti la dusiyey)

0

(Brussels) 08 Dis 2022 – Qaar ka mid ah waddamada hormuudka ka ah Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Brussels inay wax ka beddelaan cunaqabataynta saaran Moscow si ay khafiifin cad ugu sameeyaan dhanka sahayda badarka iyo bacriminta Ruushka, sida uu qoray Financial Times.

Sida laga soo xigtey dokumenti mowqifka EU-da oo ay aragtay FT, dalalka Jarmanka, Faransiiska iyo Netherlands ayaa ka mid ah waddamada kale ayaa ku boorrinaya Guddiga Maamulka Yurub inay wax ka beddelaan cunaqabataynta.

Waxay ku doodayaan in xeerarka hadda jira ay dib u dhigayaan shixnadaha muhimka ah ee loo diri lahaa waddamada faqiirka ah.

Mowqifka dokumentiga, oo qorayaasha dejiyey ay sidoo kale ku jiraan Spain, Belgium, iyo Portugal, ayaa tilmaamaya in “xaaladda sharci ee hadda jirta ay gacan ka gaysanayso in cunaqabatayntu dhab ahaantii ay caqabad ku noqoto ganacsiga cuntada iyo bacriminta.”

Waxay warbixintu sheegtay in shixnaduhu ay ku xayiran yihiin dekedaha Yurub sababtoo ah shirkaduhu waxay ka walaacsan yihiin la macaamilka iyo wax ka iibsiga shirkadaha Ruushka.

Wargaysku wuxuu intaas ku daray in hay’adaha maaliyadeed, caymisyada, gaadiidlayda daabulka shixnadaha, iyo jumladlaydu ay ka cago jiidayaan dhoofinta cuntada iyo bacriminta Ruushka, taasoo carqaladaynaysa silsiladaha sahayda.

Hadalsame Media