Xiriirka FA-ga Ingiriiska oo diidey inay ka hadlaan waxa ay Southgate uga sheegeen arrinta Sterling (Kala hadal soo baxay)

0

(London) 08 Dis 2022 – Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska ayaa diidey inay shaaciyaan waxa ay kala socda dhacdada guriga loo dhacay ee uu macallin Gareth Southgate uu ku fasaxay Raheem Sterling oo ka tegey xerada xulka England ee Koobka Adduunka, waloow uu hadda sheegay inuu soo noqonayo.

Sterling ayaa Axadii ka dhoofay Dooxa, isagoo seegay guushii seddexda libaax ee Senegal, iyadoo afhayeen u hadlay ciyaaryahanku uu sheegay in saaxiibtiis iyo caruurtiisu ay ku sugnaayeen gurigooda Surrey markii ay soo galeen kooxo hubaysan, isagoo intaa ku daray in weeraryahanka Chelsea uu naxdin la gariirey oo uu ka walaacsan yahay bedqabkooda.

Yeelkeede, Booliska Surrey ayaa tiiyoo uu jiro walaac ay arrintan ka muujiyeen dadka degaanka iyo ciyaartoyga laftiisu, waxay u deg degeen inay xaaladda sharraxaad ka bixiyaan Isniintii, iyagoo sheegay in qoysku aysan guriga joogin markii guriga loo dhacay oo laga qaatay saacado iyo dahab habeenkii Sabtida, balse cidina wax kuma noqon falkan.

Kaddib guushii 3-0 ee ay England ugusoo bexeen rubuc-dhamaadka, Southgate ayaa wuxuu sheegay inuu muddo dheer la hadlayey 27 jirka kahor inta aan la qabanqaabin ku laabashadiisa London.

Laakiin ma jirto faahfaahin dheeri ah oo soo baxday markii dhinacooda la weydiiyey waxa ay ka ogyihiin dhacdadan, iyadoo FA-ga uu diiday inuu faallo ka bixiyo arrintan, iyagoo ku gaabsaday in Sterling uu u baxay ‘sababo qoys’ awgood.

MAXAA XIGA? Raheem Sterling ayaa la filayaa inuu dib ugusoo laabto XERADA xulka England Jimcaha berritoole ah, 24 saac kahor inta aysan ku wajihin France wareega 8-da ee Koobka Aduunka.

Raheem Sterling iyo lammaantiisa Paige iyo saddexdooda carruurta ah ma aysan joogin gudaha gurigooda xilligii weerarka, sida la xaqiijiyey.

Hadal kooban oo kasoo baxay, waxay hadda xaqiijiyeen qorshayaasha Sterling. Bayaanka ayaa u qornaa: ‘Raheem Sterling waxa uu ku laaban doonaa saldhigga England ee Koobka Adduunka ee Qadar isagoo kooxda ugu tegi doona Al Wakrah oo ay isku diyaarinayaan.

Hadalsame Media