”Ma heesi karo” – Fanaanadda caanka ah ee Celine Dion oo ku dhawaaqday in laga helay cudur naadir ah oo aan dawo lahayn (Daawo)

0

(Nevada) 08 Dis 2022 – Fanaanadda caanka ah ee reer Canada ee Celine Dion ayaa ka hadashay xaalad caafimaad oo halis ah misna naadir ah oo ay waayadan la kulmaysey.

54-jirkan ayaa u sheegtay taageerayaasheeda inay la hardamayso xaaladdan naadirka ah, oo aan laga bogsan karin ee saamaysa neerfayaasha taasoo sababeysa in murqeheedu ay u kala baxaan ama isugu dhegaan si aan la xakamayn karin.

Qoraal ay soo dhigtay Instagram-ka oo qiiro leh ayay Khamiistan ku sheegtay: “Dhowaan, waxaa la iga helay xanuun neerfaha ah oo naadir ah ee loo yaqaan stiff person syndrome, kaasoo saameeya halkii milyanba qof ka mid ah.”

Haweenaydan caanka ah ayaa shaaca ka qaadday inay in muddo ahba dareemaysey astaamaha, laakiin ay dhowaan ogaatey waxa sababaya. Dion ayaa sii wadday inay sharraxdo sida murqahan is jiidanayaa ay u saameeyaan howl-maalmeedkeeda caadiga ah, ayna “mararka qaarkood u keenaan dhibaatooyin markaan socdo anigoo sidoo kale aysan suuragal ii ahayn inaan isticmaalo codkayga si aan ugu heeso sidii aan horay u ahaan jirey.”

Xaaladdan ayaa la micne ah inaysan awoodin in ay dib u bilowdo socdaalkeedii Yurub ee loo qorsheeyay bisha Febraayo ee sanadka soo socda ee 2023-ka, sida fanaanaddu ay ku dhawaaqday iyada oo ka qoomamaynaysa.

Dion waxa kale oo ay sheegtay in ay hadda diiradda saari doonto caafimaadkeeda iyada oo rajaynaysa inay mar kale masraxa ku soo noqoto mustaqbalka dhow, iyadoo si “dhow ula shaqeeynaysa dadka la tacaalaya.”

Fanaanada ayaa markii ugu horreeysey arrintan si dadban uga dhawaajisay bishii Jannaayo, markaas oo ay sheegtay in laga yaabo inay qabto xaalad caafimaad, markii ay kansashay dhowr bandhig oo ka dhici lahaa Woqooyiga Ameerika oo la qorsheeyey bilihii Maarso iyo Abriil ee sanadkii tegey.

Si kastaba, xanuunka stiff person syndrome waa cudur aan laga bogsan karin, balse waxaa jira dawooyin woxoogaa hoos u dhigi kara horumarkiisa.

Dion ayaa ku guulaysatey 5 Grammy Awards oo waawayn tan iyo markii ay mihnaddeeda bilowday horraantii 1980meeyadii.

Hadalsame Media