Dal Afrikaan ah oo mar kale joojiyey xuska Maalinta Xorriyadda (Maxa lagu qaban doonaa kharashka?)

0

(Hadalsame) 07 Dis 2022 – Dalka Tansaaniya ayaa gebi ahaanba baajiyey dabaaldegga Maalinta Madaxbanaannida, si ay lacagtaa ugu isticmaasho $445,000 oo Doollar oo halkan ku bixi lahayd dhanka jiif loo sameeyo Dugsiyada.

Madaxwaynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa baajisay dabaaldegga Maalinta Madaxbannaanida ee loo qorsheeyey in la qabto Jimcahan, Diseembar 9.

Marwada Samia ayaa fartay in miisaaniyadda munaasabadda 61-aad ee Maalinta Xorriyadda dalkaasi oo dhan $445,000, loo isticmaalo in lagu dhiso qolal ay seexdaan carruurta baahiyaha gaarka ah qaba.

Lacagtan ayaa lagu dhisi doonaa sideed qol oo jiif ah oo laga dhisayo dugsiyada hoose dhexe ee dalka.

Wasiiru Dowlaha Tanzania, George Simbachawene, ayaa Isniintii sheegay in lacagtaasi durba la bixiyey. Waxa uu ku daray in dalkan ku yaalla Bariga Afrika uu ugu dabaaldegi doono Maalinta Xoriyadda inay dadku yeeshaan wada hadallo ku saabsan horumarka.

Dowladihii hore ee Tansaaniya ayaa si isdaba joog ah u baajinayey dabaaldeggan. Sannadkii 2015-kii, Madaxwaynihii xilligaasi Md John Magufuli ayaa baajiyey dabaaldegga, wuxuuna dhaqaalihii u weeciyey dhismaha waddo laga sameeyey caasimadda ganacsiga ee Dar es Salaam.

Sannadkii 2020-kii, ayuu sidaas oo kale sameeyry, wuxuuna faray in miisaaniyadda lagu iibiyo xarumo caafimaad.

Tanzania waxay ka mid tahay dalalka Afrika ee aanay qabyaaladda iyo qoowmiyaddu kala qaybin dadka sidaasoo uu u qaabeeyey Macallimuu Julius Nyerere, balse Somalia oo wax nidaam markii la eego wax u dhisaniba aysan jirin ayaa sanad kasta miisaaniyad aan xitaa la cayimin lagu bixiyaa laguna lunsadaa xuska Xorriyad aan dalkaba ka jirin.

Hadalsame Media