”Waxaa lasoo qufayaa qabrigii aabahay” – Arrin foolxumo badan oo ka socota Qubuuraha Macallin Nuur & DF oo ka aamusan (Daawo)

0

(Muqdisho) 06 Dis 2022 – Waxaa arrin naxdin lihi ka socotaa KM 13 oo ay ku yaallaan Qubuuraha Macallin Nuur oo muddo dheer lagu aasayey dadka dhinta.

Waxaa la sheegay inay dad sheeganayaan dhulkaas taasoo keentay in lasoo faago dadkii halkaa muddada dheer ku aasnaa, waxaana la yaab leh sheegashada noocan ah.

Waayo waxaa la isku raacsan yahay in dhulkaa la waqfay iyadoo ay wararku kala sheegayaan in Dowladdii Millaterigu ay dhulka qubuuro ahaan u qoondaysay balse ay ku maamuustay Macallin Nuur, halka warar kale ay sheegayaan inuu macallinka laftiisu waqfay dhulka, balse la iskuma khilaafsana in dhulkan la waqfay.

Dadkii ay eheladu halkaa uga jireen ayaa si murugo leh uga hadlay arrintan oo muujinaysa sida uu usii dhimanayo qiyamkii ummaddu oo ay dadku kaliya u eeganayaan wax ay haabtaan iyo hanti adduun.

”Aniga Qabuurahaas ehel badan baa iiga aasan, balse waxaa jira sadex qof oo aan gacanteyda wax uga aasay, adeer, iyo labo gabdhood oo midina ila dhalatay, midna Abtigeey dhalay, hadana in dadkale loo helo maahane, kolleey anigu qabriyada kale kama soo dhex saari karo,” ayuu ku calaalacay Weriye Dulyar.

”Waalidiinteyda oo aabbahey ugu horreeyo ayaa meesha ku aasan 15 sanno waxaana jira walaac ah in qabuurahooda la dumiyo, inkastoo aan maqalnay in xunno ka tirsan qoyska reer Macallin Nuur ay ka hadleen burburinta qabuuraha oo ay dheheen halkaas ayaa lagu joojiyay wixii qalad dhacayna raali gelin ay ka bixiyeen maadaama dhulkaas uu awoowgood waqafay waqti aad u fog, balse dadku walwal xoogan ayay wali qabaan,” ayay tiri Sucdi Daahir Qajafwayn.

”Calaamaatu Aakhiro Samaan waxaa ka mid ah, in dadaka dhulka kala boobkiisa lagu ebteleeyo. Macallin Nuur ALLA ha u naxariistee waa sadaqaystay dhulkaa, ALLA Ka cabsada dhulkaa sadaqada ah iyo maytadu ha idinka nabadgaleen.” ayuu ku baaqay Prof Yaxye Caamir.

Maadaama ay arrintani tahay foowdo cad iyo fadqalallo waxay dadku is waydiinayaan meeye doorkii DF Somalia iyo Maamulka Gobolka Banaadir, haddiise ay waxyaabahan oo kale ka aamusaan sidee u sheegan karaan mas’uuliyadda bulshada?

Hadalsame Media