Ruushka oo qirtay in Ukraine ay jug xun gaarsiisey (Saldhig istaraatiji ah oo ay yaalleen diyaarado muhim ah oo la duqeeyey) + Sawirro

0

(Hadalsame) 06 Dis 2022 – Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ayaa weerar ku qaaday laba saldhig oo ciidamada cirka Ruushku ku leeyihiin gobollada Ryazan iyo Saratov oo ku yaalla gudaha fog ee Ruushka.

Waxaa halkaa ku dhintay saddex qof oo ka mid ahaa howlwadeenkii diyaaradda iyo burbur yar oo soo gaarey laba diyaaradood, sida ay sheegtay isla Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku Isniintii.

Tiro ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee xilligii “Soofiyeet la sameeyey”, oo ku duulaya joog hoose, ayaa beegsaday agabkan duullimaadyada fog-fog sameeya oo yaalley garoonka Dyagilevo ee Gobolka Ryazan iyo garoonka Engels ee Gobolka Saratov, sida ay sheegtay wasaaraddu.

“Markii la ogaadey daroonada oo ay toogteen difaacyada hawadu, firirkoodii ayaa wuxuu saameeyey garoonka oo “burbur yar” ayay gaysteen kaasoo gaarey laba diyaaradood.” Ayay isku difaacdey wasaaraddu.

Saddex ka mid ah howlwadeenka ayaa “si xun u dhaawacmay” halka afar kalena loo qaaday isbitaallada millateriga si loogu daweeyo.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ayaa horay u weeraray xarunta ciidamada Badda Madow ee Sevastopol waxayna bartilmaansadeen Ciidamada Badda Ruushka ee ku sugan Crimea, balse weerarka Isniintii ayaa gaarey meeshii ugu fogayd gudaha Ruushka.

Gegida dayuuradaha ee Dyagilevo ayaa in ka badan 500 km u jirta dhulka Ukraine, halka saldhigga Engels uu u jiro ilaa 700 km.

Tan ka darani waa in duqaymaha waawayn ee dhanka cirka ah ee uu Ruushku Ukraine ka gaysto halkaa laga soo qaado.

Afhayeenka Gaashaandhigga, Igor Konashenkov

Hadalsame Media