Raheem Sterling oo shuruud ku xirey inuu dib ugu laabto Qadar & Cabsi soo wajahdey xiddigaha kale ee xulkiisa (Arrin laga shakisan yahay) + Sawirro

0

(London) 06 Dis 2022 – Laacibka Raheem Sterling ayaa caddeeyey in aanu ku soo laaban doonin xerada Xulka England ee Koobka Adduunka ilaa inta qoyskiisu ka helayaan nabad qab buuxa, wuxuuna u sheegay asxaabtiisa inuu u baahan yahay ‘100% uu taa hubiyo’ kahor inta aanu dib ugu laaban Qadar.

Xiddigga Chelsea ayaa ‘gariirey’ kaddib markii loo dhacay gurigiisa oo ku fadhiya 6 milyan oo ginni, iyadoo dadka deriska la ihi ay shalay sheegeen in ay tahay ‘arrin la isla ogyahay’ oo qandaraasleyaal ku lug leeyihiin, maadaama uu yahay ciyaaryahankii afraad ee Chelsea oo ay bartilmaameedsadaan kooxo burcad ah.

Tuugada ayaa jabsatay gurigan qaaliga ah oo ku fadhiya 6 milyan oo ginni kahor intaysan qaadanin saacado badan oo qaali ah iyo dahab – taasoo kaliftay in xiddiggaan oo naxdin la gariirayaa uu kasoo cararo  Qadar si uu u wehliyo qoyskiisa.

Booliiska ayaa la wacay abbaare 9pm Sabtidii, Diseembar 3 kaddib markii Sterling saaxiibtiis Paige ay soo laabatay oo ay aragtay ‘shandado badan oo ay ku jireen dahab iyo saacado’ oo la xaday.

Tiro ka mid ah saaxiibada Sterling ee Xulka England ayaa la fahamsan yahay inay arrintani fikir ku dhalisay iyagoo hadda dib u eegaya ammaankooda kaddib dhacdadan cabsida leh.

Ciyaaryahanka, oo 27-jir ah, ayaa rajaynaya inuu ku laabto Qadar, kahor kulanka England ay la ciyaarayaan France Sabtida – laakiin wuxuu taa samayn doonaa oo kaliya haddii uu dareemo in qoyskiisu ay ku nabadgelayaan gurigooda Surrey.

“Raheem waxa uu qof walba u sheegay, “Inaysan jirin meel uu aadayo ilaa boqolkiiba 100 uu hubo in qoyskiisu uu ilaalsan yahay”. Waa nin aad u daneeya amniga, waxaana ay taasi qayb ka tahay sababta ay usoo degeen gurigan oo ku yaalla xaafad gaar ah, oo ay ka jiraan roondooyin ammaan oo joogto ah,’ ayay ilo u sheegay The Sun.

Hadalsame Media