Garoonkii ay xalay ku ciyaareen Brazil v Korea oo dal kale loogu deeqayo (Taariikhda ma dhicin) + Sawirro

0

(Hadalsame) 06 Dis 2022 – Waxaa aad loo hadal hayaa kharashka ku baxay KAQadar 2022, iyo garoomadii lagu martiqaaday ee ay welina ka socdaan ciyaaraha u dhaxeeya xulalka ka qaybgelaya tartanka.

Waxaa yaabkaa ka mid ah garoonka la furfuri karo ee 974, oo horay u ahaan jirey garoonka Ras Abuu Cabuud, ee laga dhisay Dooxa.

Waa garoon qaadi kara ku dhowaad ​​50,000 oo daawadayaal ah, oo la furay 30-kii Nofeembar 2021-kii, wuxuuna durba martigeliyey todoba kulan oo ka tirsanaa Koobka Adduunka 2022.

Waa Mexico-Poland 0-0, Portugal-Ghana 3-2, France-Denmark 2-1 ayaa lagu ciyaaray garoonkan , Brazil-Switzerland 1-0, Poland-Argentina 0-2, Serbia-Switzerland 2-3 iyo kii xalay ee Brazil-South Korea 4-1.

Haddaba kaddib kulankii xalay ee Seleçao kaga badisay wiilasha Orientals kaddib wuxuu noqon doonaa midkii ugu dambeeyey garoonka 974 oo la furfuri doono.

Waa garoonkii ugu horreeyey ee loogu ciyaaro si ku meel gaar ah ee deeto gabi ahaanba laga guuro taariikhda Koobka Aduunka.

Sida wararka hoose ay sheegayaan, qaybo muhim ah oo ka mid ah garoonkan ayaa loo wareejin doonaa dalka Koonfurta Ameerika dhaca ee Uruguay, oo ah waddan rajaynaya inuu martigeliyo Koobka Adduunka 2030-ka.

 

What was your favorite memory from Stadium 974? 🏟 #Qatar2022 | #FIFAWorldCup pic.twitter.com/Sr4Y6LceYb

— Road to 2022 (@roadto2022en) December 5, 2022

Hadalsame Media