DAAWO: Maxaa keenay in Eto’o uu jilib kala daalo wiil Algerian ah (Hadalka uu ku yiri ee uu ka caroodey?)

0

(Hadalsame) 06 Dis 2022 – YouTuber u dhashay dalka Algeria oo sheegtay inuu yahay ninkii uu jilibka la helay Samuel Eto’o ayaa sheegay inuu ciyaartoygii hore ee kubbada cagta uu ku dacweeyey booliiska magaalada Dubai.

Weeraryahankii hore ee Barcelona iyo Chelsea ayaa waxaa qabtay kaamirooyinka isagoo weeraraya nin muuqaal ka duubayey isagoo ka soo baxaya garoonka 974 ee Dooxa halkaas oo ay Brazil ay 4-1 ku garaacday South Korea 4-1 shalay.

Ninkan oo lagu magacaabo Said Mamouni, waa YouTuber ay raacaan in ka badan 66,000 oo macaamiil ah. Waxaana soo baxay muqaal laga soo duubay ninkan kasoo jeeda dalka Woqooyiga Afrika oo muujinaya dhaawaciisa iyo kaamarada ka jabtay.

Saxaafadda Isbaanishka ayaa soo werisey in Mamouni uu ku andacoonayo in Eto’o uu xanaaqay kaddib markii uu wax ka waydiiyey garsoore Bakary Papa Gassama, iyo haddii ay jirto in Eto’o uu laaluush siiyey kahor ciyaartii Cameroon ay guusha ka gaartay Algeria bishii Maarso, taasoo keentay in kooxdiisu ay boos ka hesho Koobka Adduunka, waana hadalka uu Eto’o ka caroodey.

Cameroon ayaa badisay ciyaartaasi, balse kaddib xiriirka kubada cagta Algeria ayaa codsi rasmi ah u diray FIFA iyagoo ka codsaday in ciyaarta lagu celiyo iyagoo ku andacoonaya in bandhigga garsooraha aysan ku qanacsanayn.

Garsooraha ciyaarta ee Papa Gassama ayaa arrintan markii dambe ka hadlay isagoo ku dooday inaysan cajabin dhaleecaynta Algeria oo haddii ay badin lahaayeen ay amaani lahaayeen, balse markii laga badiyey ay eedaynayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Eto’o ayaa raalligelin ka bixiyey sida aan fiicnayn oo uu u fal-celiyey isagoo sheegay in muddaba lagu hayo aflagaaddo iyo eed ku saabsan inuu laaluush siiyey garsoorka iyadoo aan caddayn la haynin.

May be an image of 1 person and text

Hadalsame Media