Arrin ay Brazil xalay samaysay oo aad loogu dhaliilay (Daawo)

0

(Hadalsame) 06 Dis 2022 – Laacibkii hore ee Roy Keane ayaa weerar ku qaaday xidigaha gool dhalinta ku raaxaysanaya ee Brazil oo uu sheegay inay ‘ixtimaam-la’aan’ ula dhaqmeen Xulka South Korea kaddib markii ay meeshiiba qoob ka ciyaar u rogeen.

Brazil ayaa soo bandhigtay ciyaar cajiib ah qaybtii hore ee wareeggs 16-kii kulankii ugu dambeeyey ee ay la ciyaartay South Korea, iyagoo ku garaacay 4 gool oo ay uga mahadcelinayaan Vinicius Jnr, NeymarRicharlison iyo Lucas Paqueta.

Brazil ayaa sii wadday inay soo bandhigto ciyaaro kala duwan markii ay goolasha dhalinayeen, iyada oo xitaa tababare Tite uu ka qaybqaatay isaga oo isku dayayey dabaaldegga abuu qoolleeyda ah ee Richarlison kaddib goolkii saddexaad.

‘Ma jecli sidan. Dadku waxay yiraahdeen waa dhaqankooda. Laakiin waxaan filayaa in taasi runtii ixtiraam darro ku tahay kooxda la dheeleysey.’ Ayuu ku dooday Keane ayaa si caro leh u hadlaya.

Si kastaba, Keane ayaan ahayn laacib xushmad, ciyaar wanaag iyo dishibiliin caan ku ahaa waagii uu ciyaari jirey.

 

Hadalsame Media

Facebook Comments