Ma ogtahay inay Somalia ka jirto khatar ka daran midda Al-Shabaab?!!

0

(Hadalsame) 05 Dis 2022 – Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Djibouti ka qeyb galay shirka madasha aragti wadaagga ee Heritage ayaa sheegay in xaaladda amni ee ka dhalalaneysa is-baddelka cimillada ay ka khatar badan tahay midda ay dalka ku hayaan Al-Shabaab.

Shirka oo sanadkaan looga hadlayo arrimaha la xariira is-beddelka cimilada iyo colaadaha gobolka ayuu ugu horreyn ergeygu Madasha la wadaagay warbixin kooban oo la xariirta abaarta dalka ka jirta, dadaallada Dowladda ee ku aaddan ka jawaabista gurmadka abaaraha iyo in lagu guuleystay in la baajiyo macluul dhacda dhamaadka sanadkaan.

Ergeyga ayaa diiradda saaray saamaynta ba’an ee is-beddelka cimilada uu ku leeyahay amniga Gobolka, sida; in is baddelka cimilada uu sababayo kheyraadka oo yaraada, taasoo keenaysa loollan iyo colaad ka dhex dhacda dadka ku tiirsana beeraha iyo xoolaha, kuna diriraan kheyraadka yar ee haray, maadaama ay abaaraha ba’an ee ku dhiftay gobolka meesha ka saareen wax soo saarkii dalagga isla-markaana dabar-jareen xoolihii.

Sidoo kale Ergaygu wuxuu xusay in is-baddelka cilimada ay sababeyso in dadkii miyaga ku dhaqnaa ee abaaraha, kuleylka ama mararka qaar futahaaduhu saameeyeen ay u qaxayaan magaalooyin-ka waawayn, sida ka dhacday Soomaaliya oo 2.9 Milyan ay barakacayaal yihiin.

Taasi waxa ay ka dhigan tahay in barakacayaashaas ay banneeyeen kaalintii ay ku lahaayeen bulshada, waxaana meesha ka baxaya xoolo dhaqashadii iyo tabcashadii.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in caqabadahas lagu xallin karo in mashaariicda adkaysiga bulshada la dhiso oo la helo dhaqaalaha loogu tala galay in is-beddelka cimilada wax looga qabto, kaasoo u baahan in karti, aqoon iyo xirfad lagu raadiyo.

Ergeyga ayaa sidoo kale dul istaagay muhiimadda ay leedahay in la meel mariyo sharciyada la xariira cimilada, in la helo isku xir iyo wadashaqayn Dawladda iyo gobollada ah, in diblomaasiyad xooggan oo wada-xaajoodyada lagu galo la helo iyo in la raadiyo dalal saaxiibo ah oo hawsha la dhaqaajiya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

FG: Micnuhu ma aha in la leeyahay Shabaabku khatar ma aha.

Kayd Media

Hadalsame Media