Dayuurad ay ku dhaartaan ciidanka Ruushku oo shalay lala helay isla hub uu Ruushku sameeyo (Daawo)

0

(Luhansk) 05 Dis 2022 – Abaanduulka Guud ee Ciidamada Xoogga Dalka Ukraine ayaa sheegay in ciidamadoodu ay soo rideen diyaaradda nooca qumaatiga u kacda ah ee Ka-52 Alligator oo laga leeyahay dalka Ruushka, taasoo ku dhacday gobolka Luhansk ee bariga Ukraine.

Millateriga Ukraine ayaa sheegay in diyaaraddan Helicopter-ka ah ee Ruushku ay isku dayday in ay weerarto fariisin ay jiidda hore ku leeyihiin Ciidamada Ukraine oo u dhow Svatove kahor inta aan la burburin.

“Maanta, abbaare 2:00 duhurnimo, cutub ka tirsan Guutada Gantaalaha Lidka Diyaaradaha ee Dneprovsk oo ka tirsan Taliska Ciidamada Cirka ee Vostok ayaa soo ridey diyaarad helicopter ah oo uu cadawgu leeyahay oo ah Ka-52.” ayaa lagu yiri warbixinta.

Dayuuraddan oo “Yaxaas Webi” lagu naynaaso ayaa ka mid ah kuwa ugu wanaagsan dayuuradaha aynigeeda ah ee weerarka, waxaana la sheegay in lala helay gantaalka S-300 ee uu isla Ruushku soo saaro.

Hadalsame Media