”Yurub waa inay tillaabo ka qaaddo Maraykanka!” – Midowga Yurub oo si heer sare ah uga hadlay arrin aysan ka aqbali doonin Washington

0

(Bruges) 04 Dis 2022 – Madaxa Komishanka Midowga Yurub ee Ursula von der Leyen ayaa ka digtey in si ay awood ugu yeeshaan inay la tartamaan wershadaha cagaaran ee ay kabto Dowladda Maraykanku, Midowga Yurub looga fadhiyo inay “tillaabo qaaddo” oo uu sare u qaado kaalmada iyo kabka ay dowladuhu siiyaan shirkadohooda.

Waxaa sharcigan muranka dhaliyey saxiixay Madaxwayne Joe Biden bishii Agoosto, waxaa la yiraahdaa Sharciga Dhimista Sicir-bararka (IRA), kaasoo xirmo kaalmo ah oo dhan $ 738 bilyan oo Doollar ay DF u qoondaysay xagga tamarta cagaaran iyo mashaariicda wershadaha sameeya wixii u fiican cimilada, kuwaasoo ay ku jiraan $ 270 oo canshuur dhaafis ah.

Arrintan oo markii hore ka hoos baxsanayd siyaasiyiinta liberaalka ah ee xitaa Yurub, ayaa markii dambe la arkay, von der Leyen hadda waxay ficilka Maraykanka ku sheegtay mid khatar ku ah wershadaha Yurub.

Sharciga IRA ayaa xitaa canshuur-dhaafka gaarsiinaya macaamiisha iibsanaysa alaabta Maraykanka, iyo wershadaha soo saaraya alaabtan ee Maraykanka, taasoo horseedi karta tartan caddaalad-darro ah,” sida ay ka sheegtay kulan ay isugu yimaadeen ardayda wax ka dhigata magaalada Bruges ee dalka Belgium.

Tartanka u dhexeeya Maraykanka iyo Midowga Yurub “waa inuu ixtiraamo in si cadaalad ah loo wada tartamo,” ayay tiri. “Waa inaan qaadnaa tillaabo lagu dheellitirayo garoonka ciyaarta, halkaasoo ay IRA iyo tillaabooyinka kale ee la qaaday ay qallooc ka abuureen.” ayay raacisay.

Hadalsame Media