XOG: Ronaldo oo uu damaciisu baxar gelin karo (Muxuu hadda Juventuus ka donayaa?)

0

(Torino) 04 Dis 2022 – Jookarkii hore ee Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa ka codsaday kooxda Juventus inay siiyaan khidmad uu ku leeyahay oo gaaraysa € 19.9m oo Doollar oo ah lacag uu kula heshiiyey in si qarsoodi loogu shubo khasnaddiisa inta lagu guda jirey marxaladihii hore ee Cudurka COVID.

Arrintan ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu haysto kooxda Juve oo baaritaan lagu furay, iyadoo Bianconeri lagu eedeeyey in xilligii uu ugu adkaa Covid ee 2020 ay Juve laacibiinta la gashay heshiiskan oo laga qariyey Dowladda Talyaaniga, Xiriirka FIGC iyo xitaa Suuqa Saamiyada, sida uu sheegay La Gazzetta dello Sport.

Xiddiga reer Portugal ayaa la sheegay inuu arrintan ugu yeertey koox qareenno ah si ay qiil ugu helaan xaaladda Old Lady isagoo doonaya inuu lacagtan waydiisto kooxda oo haatan ku jirta xaalad hubaal la’aan ah.

Arrintan ayaa waxaa ka taagan su’aalo la iska waydiinayo tillaabada Ronaldo, waayo Ronaldo wuxuu shaaciyey inuu dhimay mushaharkiisa wuxuuse isaga iyo laacibiinta kale ay lacagtooda ku qaadanayeen si qarsoodi ah 2020-kii.

Taasi waxay Ronaldo gelin kartaa dembi waayo haddii aan mushaharka la shaacin waxa ay ka dhigan tahay inaan laga bixin waajibaadyadii saarnaa sida canshuurta iwm.

Hadalsame Media