Magacyada 2 laacib oo kashifay kooxdooda Juventus oo la shaaciyey (Kulan qarsoodi ah oo ay ku jireen Juve, Milan, Inter oo la sheegay)

0

(Torino) 04 Dis 2022 – Sida laga soo xigtey La Gazzetta dello Sport, laacibiinta Matthijs de Ligt iyo Mattia De Sciglio ayaa la sheegayaa inay baarayaasha tuseen farriin uu Giorgio Chiellini uu guruub WhatsApp ah ugu diray laacibiinta Juventus oo ku saabsan heshiiska mushaharka ee kooxda iyo laacibiinta.

Juventus iyo 11 agaasime ayaa loo sheegay in maxkamad la soo taagayo iyagoo lagu eedeeyey koontooyin been abuur ah iyo xogo been abuur ah oo suuqa la geliyey. Xeer-Ilaaliyaha Torino wuxuu aaminsan yahay in kooxda Old Lady ay been abuurtay buugga xisaabta gaar ahaan kala iibsiga laacibiinta iyo mushaharka la siinayo laacibiinta xilligii Covid-ka.

Haatan waxaa soo baxaysa arrintan oo sheegaysa in bishii Maarso 2020-kii, mar uu meeshii ugu sarreeysey marayey COVID-ku, in Chiellini ayaa ku wargaliyey ciyaartooyda Juventus isagoo adeegsanaya WhatsApp wuxuuna u sheegay in naadigu uu hal bil oo qura hakinayo musharooyinka.

Yeelkeede, waxay tan is diidayaan faafintii rasmiga ahayd ee isla Naadiga Juventus oo dunida u sheegayey inay afar bilood laacibiintu dhimeen mushaharooyinka, balse waxaa lacagaha oo buuxa lagu bixinayey daaha gadaashiisa, sida uu qorayo Gazetta.

Haatan waxaa soo baxday in Matthijs de Ligt iyo Mattia De Sciglio ay fariintan tuseen Xeer-Ilaaliyaha Torino bishii Maarso ee sanadkan iyaga iyo laacibiin kale oo aan la magacaabin.

KULAN QARSOODI AH? Dhanka kale, Guddoonka Xiriirka Talyaaniga ee FIGC ee Gabriele Gravina ayaa beeniyey inuu kulan qarsoodi ah la yeeshay kooxo ay ka mid yihiin JuventusMilanInter iyo qaar kale.

Kulankan oo ka dhacay guri ay leedahay hooyada Guddoomiyihii Juve ee is casiley ee Andrea Agnelli oo ku yaalla bannaanka magaalada Torino Sebtembar 2021-kii, waxaa sidoo kale joogey Guddoomiyaha Atalanta ee Luca Percassi, dhiggiisa Genoa Enrico Preziosi, Maareeyaha Inter Milan ee Beppe Marotta, Guddoomiyaha AC Milan ee Paolo Scaroni, Agaasimaha Guud ee Udinese ee Campoccia, Maareeyaha Farsamada Bologna ee Fenucci iyo Guddoomiyaha Lega Serie A ee xilligaasi, Paolo Dal Pino..

”Ma ahayn kulan qarsoodi ah gebi ahaanba, waxaan yeelannay qaar badan oo la mid ah oo aan uga hadlayney kubadda cagta.” ayuu ku dooday Guddoomiye Gabriele Gragina.

Hadalsame Media