Kylian Mbappe oo go’aan la yaab leh ka qaatay shirkadda biirka ee Budweiser (Arrin dalka Qadar lagu tuhmayo?)

0

(Dooxa) 04 Dis 2022 – Laacibka Kylian Mbappe ayaa si ula kac ah ugu qariyey magaca biirka Budweiser kaddib markii uu noqday Xiddiga Ciyaarta si uu uga fogaado inuu aalkolo ku xayaysiiyo Koobka Adduunka, sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer France ayaan sidoo kale weli kasoo muuqan shir jaraa’id oo ka dhacay dalka Qadar oo martigelinaya Koobka Adduunka si uu uga fogaado inuu ka hadlo mustaqbalkiisa kooxda Paris Saint-Germain.

Xiriirka Kubadda Cagta Faransiiska, oo Mbappe u waddacay taageeradooda buuxda markii uu diidey shirka jaraa’id, ayaa go’aansaday inuu bixiyo wax kasta oo ganaax ah oo la saaro laacibiinta sidoo kale diida inay saxaafadda la hadlaan marka noqdaan Xiddiga Ciyaarta (man of the match).

Mbappe, oo lagu abaalmariyey koobka xiddiga ciyaarta labo jeer ayaa labadii jeerba qariyey magaca shirkadda maalgelisa Koobka Adduunka ee Budweiser, sida laga soo xigtey L’Equipe oo warka ka qaatay AS.

SABAB? Xiddiggan reer France ayaa la sheegay in lagula jiro qandaraas la xiriira xuquuqaha sawirkiisa, kaasoo ay ku jiraan shuruudo diidaya inuu iidheh i sameeyo cabitaannada aalkolada leh, khamaarka ciyaaraha iyo cuntooyinka fudud ee caafimaadka u daran (junk food).

Lama sheegin cidda heshiiskaa la gashay, waxaase la tuhmayaa inay noqon karto Qadar ama dal ama shrikad kale oo Muslim ah.

Arag faqriga marka uu Rashdford haysto

Hadalsame Media