XOG: Pele oo la dhigay qaybta dadka laga quusto (Cudurka laga helay?)

0

(Sao Paulo) 03 Dis 2022 – Arbihii hore ee kubbadda cagta Brazil, Pele, ayaa loo wareejiyey qaybta daryeelka dadka laga quusto kaddib markii dawaynta kiimoterabiga aan laga helin natiijooyinkii la filayey.

Boqorka kubadda cagta ayaa laga dawayn lahaa kansarka mindhicirka, sida lagu sheegay warbixinta.

Wargayska Folha de S. Paulo ayaase sheegay in daawaynta kiimoterabiga hadda laga joojiyey 82 jirkan, kaasoo loo arko inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa abid.

Pele ayaa todobaadkan la dhigay isbitaal si dib loogu qiimeeyo daawadiisa kansarka, waxaana markii dambe sidoo kale laga helay caabuq dhanka neef-mareenka ah sida ay xaqiijiyeen warbixinno caafimaad.

Jimcihii shalay, warbixin caafimaad ayaa sheegtay in Pele, oo lagu dawaynayo isbitaalka Albert Einstein ee Sao Paulo, wuxuuna si waafi ah jirkiisu uga jawaabey daawaynta antibiyootigga iyadoo ay “Xaaladdiisa guud yara hagaagtey dhanka neef-mareenka.”

Pele ayaa wuxuu isku dayey inuu dejiyo cabsida taageerayaasha Khamiisti markii uu sheegay inuu u joogo isbitaalka Albert Einstein “booqasho bille ah.”

Laacibkii hore akademiyaha Santos ayaa kansar laga helay mindhicirkiisa bishii Sebtembar ee sanadkii hore ee 2021-kii, waxaana loo daweeynayey si joogto ah.

Sawirka Pele wadaagey waxaa ka mid ahaa sawirkiisa oo laga soo laalaadiyey dhismo ku yaal Qadar halkaas oo Koobka Adduunka lagu qabanayo isagoo wata fariin ah: “Si dhakhso ah u caafimaad.”

Ha yeeshee, xogo kale oo baraha bulshada lagu faafiyey ayaa muujinaya in qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha kubada cagtu ay durba bilaabeen inay cabsadaan, kaddib markii la sheegay in maanta Pele la dhigay qaybta daryeelka dadka laga quusto (palliative care).

Hadalsame Media