KASHIFAAD: Jarmanka oo qirtay dhibaato uu kala kulmay u ololaynta arrimo ka baxsan isboortiga

0

(Hadalsame) 03 Dis 2022 – Macallinka Xulka Jarmanka ee Hans Flick, ayaa markii ugu horreeysey ka hadlay dhibaato uu sheegay inay kala kulmeen u doodiddii kooxaha qaata astaanta Qaanso-roobaadka.

Wuxuu sheegay in qaadashada astaanta “One Love” ay khilaaf wayn ka riddey gudaha laacibiinta Xulka Jarmanka oo aad ugu kala qaybsamay.

Xiriirka Jarmanka ayaa markii dambe isaga oo ay wehliyaan xulal kale oo reer Yurub ah go’aankaa ka noqday, balse waxay qabsadeen afka taasoo nacsiisay taageerayaal badan oo dhaqan ahaan muxaafid ah.

Sidoo kale, halyeeygii Xulka Die Manschaft ee Michael Ballack, ayaa Jarmanka ugu baaqay inay iska daayaan ajendayaasha ka baxsan ciyaarta.

“Si aan dib ugu kasbanno xushmaddii naga luntay, waa inaan kubadda uun diiradda saarnaa oo iska dhaafnaa waxyaabaha kale.” Ayuu soo jeediyey Michael Ballack.

Hadalsame Media